25th-05-2021,Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Md Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi) iyo Mulkiilaha Shirkada Dottera Mr Devid Stirling ayaa si wada jira xadhiga uga jaray Sanaag Speci

25th-05-2021,Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Md Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi) iyo Mulkiilaha Shirkada Dottera Mr Devid Stirling ayaa si wada jira xadhiga uga jaray Sanaag Specialty Hospital oo laga dhisay Magaalada Ceerigaabo.

Dhismaha Cisbitaalkani ayaa waxaa iska kaashaday shirkadaha kala ah DOTTERA, HEALING HANDS,ASLI MAYDI iyo JIBRIIL FOUNDATION.
Munaasibada Xadhiga lagaga jarayey Cisbitaalka ayaa waxaa ka soo qayb galay Masuuliyiinta u sareeya shirkadaha iska Kaashaday Hirgalinta Cisbitaalka,Marwo Edna Adan,Masuuliyiinta Gobalka Sanaag,Cuqaal iyo Marti sharaf aad u tiro badan.

Cisbitaalkani ayaa la filayaa inuu dabooli doono baahiyaha Dhinaca Caafimadka ee dadka ku nool Magaalada Ceerigaabo iyo deegaanada ku xeeran ay u tagi jireen Magaalooyinka Burco,Hargeysa iyo Wadamada Dibada.