Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka ayaa furay kulan lagu diyaarinayo Waydiimaha Sahanka isku dhafan ee Arimaha Bulshada MICS7

Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka  Axmed Maxamed Diiriye ayaa  furay kulan lagu diyaarinayo Waydiimaha Sahanka isku dhafan ee Arimaha Bulshada MICS7 oo ay soo qaban qaabisay Waaxda Xog koobida (Statistics) ee WQHQ.
Kulankan ayaa waxaa ka soo qayb galay khubaro farsamo oo ka kala socday Wasaaradaha Qorshaynta, Waxbarashada, Caafimaadka, Biyaha, Shaqada iyo Arimaha Bulshada.
Sahankan oo ay iska kaashanayaan Wasaaradda Qorshaynta iyo Haayadda UNICEF ayaa waxaa la rajaynayaa inuu dhawaan ka bilaabmi doono dhamaan Gobalada Dalka, waxaana lagu ogaan doonaa heerka ay Somaliland ka marayso arimaha bulshada.
 
Sidoo kale Sahanku waxaa uu noqon doona mid waafaqsan Qorshaha Horumarinta Qaranka waxaana uu xooga saarayaa wadaagayaasha Waxbarashada Caafimadka, Waxbarashada, Biyaha iyo ilaalinta Bulshada.