Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Md Axmed Diiriye (Toorno) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa xafiiska isku-xidhka Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland

Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Md Axmed Diiriye (Toorno) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa xafiiska isku-xidhka Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland mr Simon Strachan.
Ujeedka kulankan ayaa iskugu jiray dhawr arimood, waxaana ugu muhiimsanaa is xog waraysi hawlaha shaqo ee dhanka horumarka ee ay qaramada midoobay ka taageerayaan wadanka iyo sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka wada shaqayneed ee u dhexeeya Wasaaradda Qorshaynta iyo Xafiiska isku xidhka qaramada midoobay ee Somaliland.

Kulankan ayaa ahaa mid hordhac u ah kulan wada-tashi oo ay ku kulmi donaan Madaxda Wasaaradda Qorshaynta, Hay'adaha Caalamiga iyo kuwa Qaramada Midoobay oo lagaga arinsan doonaa sidii haayadaha Qaramada Midoobay iyo kuwa Caalamiga ah ay qayb uga noqon lahaayeen fulinta iyo hir gelinta Qorshaha Horumarinta Qaranka ee 3aad.
kulanka Waxaa Wasiirka ku weheliyanayey Agaasimaha Waaxda isku duwida ee WQHQ Cabdinuur Jamac Cabdile.