Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Mudane, Mustafe Cumar Faarax ayaa kulan la qaatay inta badan agaasimayaasha guud ee wasaaraddaha

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Mudane, Mustafe Cumar Faarax oo uu weheliyo Agaasimaha Waaxda Isu-duwidda iyo Diiwaan geliyaha guud ee Hay’adaha iyo Ururada, Cabdinuur Jaamac Cabdille (Gaas), ayaa kulan la qaatay inta badan agaasimayaasha guud ee wasaaraddaha dalka oo ay weheliyaan agaasime waaxeedyada waaxaha Qorashaynta oo kamida hogaamiyayaasha 11-ka wadaage (Sectors) ee uu ka kooban yahay Qorshaha Horumarinta Qaranka ee 3aad.
 
Ujeedada kulankan ayaa ahayd is xog waraysi ku saabsan shaqooyinka iyo hawlaha ka socda wadaagayaasha kala duwan, iyo sidii loo sii dar-dar gelin lahaa habsami u socodka shirarka wada tashi ee ku saabsan hir galinta iyo fulinta QHQ ee 3aad, isla markaana maxsuul weyni uga soo bixi lahaa, si loogu gudbiyo warbixintaas guddida ugu sareysa ee Qorshaha Horumarinta Qaranka ee heer Wasiir(National Planning Commission)
Ugu horeyna agaasimaha guud ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Md Mustafe Cumar Faarax, ayaa kulani si ramsi ah u daahfuray waxaana uu ka warbixiyey ujeedooyinka iyo himilooyinka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranku ka leedahay sidii loo hirgelin lahaa Qorshaha Horumarinta Qaranka ee saddexaad.
 
Intii kulanku socday Agaasimaha Waaxda Isu-duwidda ee Wasaaradda WQHQ ayaa la wadaagay Agaasimayaasha guud habka iyo qaab-dhismeedka isu-duwidda qaranka iyo jadwalkooda, taas oo muhiimaddiisu tahay sidii loo ogaan lahaa isla markaana loo fududayn lahaa shirarka wadaagayaasha qaranka.
Ugu dambayna shirka waxaa ka soo baxay qodobo wanaagsan oo aasaas u noqon doona joogtaynta shirarka wadaagayaasha, Fulinta Hir gelinta Hiigsiga iyo himilooyinka uu ka kooban yahay Qorshaha Horumarinta Qaranka ee 3aad.