Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Md Mustafe Cumar Faarax ayaa ka qayb galay Kullan ku saabsan Xarunta Maareynta Biyaha iyo Dhulka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Md Mustafe Cumar Faarax ayaa ka qayb galay Kullan ku saabsan Xarunta Maareynta Biyaha iyo Dhulka ee loo yaqaan ( IMC), kulankan oo ka qabsoomay Magaalada Berbera.
Xarunta Maaraynta Biyaha iyo Dhulka oo kulmisa Wasaaradaha Dawladda sida Qorshaynta, Beeraha, Degaanka, Xoolaha, iyo Biyaha, iyo weliba Haayadda Maareynta Masiibooyinka iyo Kaydka Raashinka Qaranka.
    
Kulankan oo soconaya muddo laba maalmood waxa lagu lafa gurayaa sidii loo horumarin lahaa wadashaqaynta Haayadaha dawliga ah iyo Xarunta Maaraynta Biyaha iyo Dhulka.
Kulankaas waxa iyana qayb ka ah Haayada Qaramada Midoobay u qaabilsan Beeraha iyo Cuntada( FAO).