Dawlada Somaliland iyo midawga yurub ayaa magaalada berbera ku kala saxeexday Mashruuc lagu horumarinayo magaalada Berbera.

Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka JS iyo Safiirka midawga yurub ee Wadamada Somaliland iyo Somalia ayaa magaalada Berbera ee xarunta gobalka Saxil ku kala saxeexday Mashruuc loogu talo galay in lagu horumariyo Magaalada Berbera.

Munaasibadani ayaa waxaa xadhiga ka jaray Madaxweyne ku xigeenka JS Md Cabdiraxman Ismacil Saylici waxaana kaasoo qayb galay Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Safiirka Midawga yurub Madaxda Haayada UNHABITAT,Maamulka degmada iyo Gobalka Saahil iyo marti sharaf kale.

Mashruucan ayaa waxaa uu xooga saari doonaa horumarinta xeebaha iyo kor uqaadida bilicda magaalada Berbera
Fulinta Mashruucan ayaa waxaa iska kaashanaya Dawlada Hoose ee magaalada berbera iyo Haayada UNHABITAT waxaana uu socon doona mudo Saddex sanno ah.

Munaasibadani lagu daahfuray Mashruucan ayaa waxaa halkaasi hadalo ka jeediyey Maamulka degmada iyo Gobalka ee Berbera waxaanay balan qaadeen inay maamul ahaan ay diyaar u yihiin inay sida ugu fiican u fuliyaan mashruucan.
Agaasimaha Guud ee Wasaarada Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka ayaa faah faahin waxaa uu ka bixiyey qaybaha uu xooga saari doono Mashruucani.

Wasiirada Wasaaradaha Qorshaynta iyo Arimaha gudaha oo iyaguna munaasibadani ka hadlay ayaa sheegay muhiimada ay xukuumad ahaan siinayaan Horumarinta Magaalooyinka.
Safiirka Midawga yurub ee wadamada Somaliland/Somalia Ambassador Niclas Berlenga Martinez iyo xubin sare oo ka tirsan Haayada UNHABITAT ayaa iyaguna Munaasibadani ka hadlay.

Ugu dambayna waxaa munaasibadani soo xidhay isla markaana Xadhiga ka jaray Mashruucani Madaxweyne ku xigeenka Js Md Cabdiraxman Ismaaciil Shire (Saylici).