Guulaha Somaliland ee Shirka Dowladda Emarat-ka Carabta iyo Fursadda ku meersan.

Shirkan Dowladaha Caalamka, oo ah shirka 4aad ee ugu wayn caalamka waxaa ka soo qayb galay 6000 oo qof oo ay ku jiraan 400 oo wasiir iyo 30 madaxwaynayaal ah oo ka kala socday 140 dal oo caalamka ah, 80 Hayadaha Caalamiga ah, sidaa awgeed meel intaas oo qof iyo dowladood ku kulmayaan in Somaliland lagasiiyo maamuus sare oo safka hore la fadhiisiyo madaxwaynaheeda, waxay ahayd fursad dahabiya oo Somaliland ku soo bandhigtay Qadiyadda ictiraaf raadinteeda.


Somaliland waxaa loo soo casuumay sida loo soo casuumay 140 dal ee kasoo qaybgalay. Madaxwaynaha Somaliland waxaa lagu qaabilay meeqaanka lagu qaabilay 30-kii Madaxwayne ee shirka joogay, isagoo safka hore la fadhiisiyey, isla markaana fursad la siiyey uu ka soo qayb-galayaasha ugu soo bandhigo Qadiyadda dalkiisa iyo dadkiisa, waxaana maalintii labaad kulan sharafeed loogu geeyey Raysal Wasaaraha Dalka ahna Madaxwayne-xigeenka oo si fiican u qaabilay.
Maxaa ku jira Magac iyo Manfac.

Waxaa kor u kacay magaca Jamhuuriyadda Somaliland iyadoo uu noqday waxa ugu badan ee ay dadku kaga doodayeen dhammaan baraha bulshada caalamka, isla markaana hadal hayeen magaca madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland iyo dekadda Berbera oo uu madaxwaynuhu kaga hadlay khudbadiisii.

Somaliland waxay heshay fursad ay wax ugu sheegto 140 dal oo caalamka ah isla halgoob, waxaanu madaxwaynuhu si gaara uga codsaday dowladda caalamka ugu tunka wayn leh ee maraykanka in uu icitiraafo Somaliland maadaama oo ay xidhiidh fiican leeyihiin, arrintaas oo keeni karta in 30-kii Madaxwayne ee fadhiyey qaar ka mid ahi Somaliland ka gacan siiyaan ictiraaf raadinta, kuna taageeraan iyadoo rajada arintaa lagu tilmaami karo 80% in ay soo dadajiso aqoonsiga.