Kulan wadatashi oo u dhexeeyey Wasaaradda Qorshaynta iyo Haayadaha Qaramada Midoobay iyo kuwa Caalamiga ah.

Kulanka wadatashi oo u dhexeeyeyey Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka JSL iyo Daneeyayaasha Horumarka Somaliland ayaa maanta ka qabsoomay Magaalada Hargeysa.
Ujeedka kulanka ayaa ahaa sidii Wasaaradda Qorshaynta, Haayadaha Qaramada Midoobay iyo Haayadaha Caalamigu iskaga kaashan lahaayeen fulinta mudnaanaha Qorshaha Horumarinta Qaranka ee 3aad iyo sidii loo wadaagi lahaa xogaha dhanka Arimaha Bulshada iyo Dhaqaalaha ee ay soo saarto Wasaaraddu.