Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo daah-furay wejiga labaad ee mashaariicda sanduuqa horumarinta Somaliland ee SDF

Madaxweynaha Jahuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa si rasmi ah u daah-furay wejiga labaad ee mashaariicda Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee SDF.

 

Munaasibadda oo ka qabsoontay Hotel Ambassador Hargeisa ayaa waxa kasoo qaybgalay xubno kamid ah golaha wasiirradda, madax ka socotay dalal-ka Somaliland ka taageera sanduuqa horumarinta somaliland SDF ee Denmark, Holland iyo Ingiriiska, agaasimeyaal iyo marti-sharaf kale oo tiro badan, waxaana laga jeediyey hadalo diiradda lagu saarayay muhiimadda ay mashaariicda wejigan labaad ku jiraa qaranka u leeyihiin iyo sida ay xukuumaddu daacadda uga tahay inay si hufan u hirgalaan.

 

Ugu horrayn ku-xigeenka madaxa Sanduuqa Horumarinta Somaliland Mudane, Najax Maxamuud Aadan, ayaa sharraxaad ka bixiyey meelaha uu diiradda saarayo wejiga labaad ee mashruucani, waxaana uu tilmaamay in kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo kor u qaadista adeegyada dawladdu ay halbowle u yihiin wejiga labaad ee mashaariicda Sanduuqa Horumarinta Somaliland.

 

waxa uu sidoo kale xusay in dhismaha marsada Maydh, dhismaha iyo dayac-tirka waddooyinka muhiimka ah, koru-qaadidda adeegga biyaha, kobcinta wax soo saarka xoolaha iyo beeraha, kobcinta tayada shaqaalaha dawladda, iyada oo la dhammaystiri doono mashaariicdii caafimaadka iyo waxbarashada ee wejigii koowaad ee mashruuca Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee SDF ay laf-dhabar u yihiin wejiga labaad ee mashruucan.

 

Morgan Riley oo ku hadlayey magaca Saaxiibadda Somaliland ee qaybta ka ah Sanduuqa, ayaa isaguna dhinaciisa ku dheeraaday muhiimadda mashaariicdani u leeyihiin bulshada Somaliland iyo sida ay dawladaha lacagaha ugu deeqa sanduuqani ula dhacsan yihiiin nidaamka daaha-furan ee ay dawladda Somaliland u maamusho.

 

Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka, Mudane Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi) oo isagu hormuud u ah qorshaynta iyo jaangoynta mashaariicda, ayaa ugu horrayn ammaanay nidaamkii ay ku dhammaadeen wejigii koowaad ee mashaariicda Sanduuqa Horumarinta Somaliland iyo guulaha ay mashaariicdaasi u horseedeen qaybihii kala duwanaa ee laga maalgeliyey, isaga oo hoosta ka xariiqay in wejiga labaadna ay ku rejo weyn yihiin inay guulaysan doonaan.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo si rasmi ah u daah-furay wejiga labaad ee mashruuca Sanduuqa Horumarinta Somaliland, ayaa dawladaha Somaliland ka taageera dhinaca horumarka ee sida tooska ah sanduuqan lacagta ugu shuba ee kala ah Ingiriiska, Denmark iyo Dawladda Netherland, kuwaas Somaliland ku taageeray sidii ay dhaqaale ugu heli lahayd fulinta mashaariicda horumarineed ee Qaranka.

 

Madaxweynuhu waxa uu caddeeyey inay Somaliland ka go’an tahay in mashaariicda kala duwan ee dunidu ku taageertaa u socdaan hannaan daah-furan oo cid waliba arkayso oo aanu marnaba imannin wax shaki ahi, “Waxa dawlad ahaan naga go’an in mashaariicda horumarineed ee Somaliland lagu taageerayaa ay dhammantood maraan waddadii loogu talo galay oo aanay xagga Somaliland ka imannin wax dhaliil ahi, haddii ay dhaqaalaha tahay iyo haddii ay maamulka tahayba. Waxa kale oo waddamada na taageera u caddaynaynaa inaanu doonayno inay wada-shaqaynteennu noqoto mid daah-furan oo labada dhinacba arki karaan sida ay hawshaasi u socoto maamul ahaan iyo dhaqaale ahaanba,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

 

Ugu dambayntii waxa uu madaxweynuhu ugu baaqay dawladaha Saaxiibka la ah Somaliland inay taageeradooda dhaqaale soo mariyaan Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee SDF, maadaama oo uu sanduuqani yahay nidaam la tijaabiyay isla markaana guulaystay, yareeyayna kharashaadkii maamul ee deeqaha horumarineed.