Olalaha Billaha ah ee Nadaafadda Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka

Olalaha Billaha ah ee Nadaafadda Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka ayaa loo asteeyey khamiis kasta oo bil u dambaysa, waxaana ka qayb galaya dhamaan shaqaale weynaha Wasaaradda.
Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka , Md Axmed Maxamed Diiriye ayaa  hogaaminayey olalaha billaha ah ee Nadaafada Wasaaradda oo ay qaadeen shaqaale waynaha Wasaaradda oo ay qayb ka yimihii agaasimeyaasha waaxaha.
 
Maalintan loo asteeyey nadaafada wasaaradda ayaa waxaa loogu talo galay in lagu nadiifiyo gudaha,dibada iyo agagaarka Wasaaradda si kor loogu qaado bilicda isla markaana loo helo deegaan nadiiifa oo ku haboon shaqada raali galiyana dadka loo adeegayo.