Olalaha Nadaafadda Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka JSL

Olalaha billaha ah ee Nadaafadda Wasaaradda Qorshaynta ayaa loo asteeyey khamiis kasta oo bil u dambaysa, waxaana ka qayb galaya dhamaan shaqaale weynaha Wasaaradda.
 
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka ayaa maanta hogaaminayey olalaha bilaha ah ee Nadaafada Wasaaradda, waxaana ka soo qayb galay inta badan shaqaale weynaha Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka.
 
Maalintan loo asteeyey nadaafada wasaaradda ayaa waxaa loogu talo galay in lagu nadiifiyo gudaha,dibada iyo agagaarka Wasaaradda si kor loogu qaado bilicda isla markaana loo helo deegaan nadiiifa oo ku haboon shaqada oo raali galiya dadka loo adeegayo.