Qaybinta Buuga Qorshaha Horumarinta Qaranka ee 3aad

Shirka qaybinta buuga qorshaha horumarinta qaranka ee 3aad ayaa ka qabsoomay hotel Rays ee magaalada Borama , Gobolka Awdal.
Shirka waxa ka soo qayb galay badhasaabka gobolka, mayorka degmada, agaasimaha guud ee wasaaradda Qorshaynta, agaasimayaasha waaxda qorshaynta iyo xidhiidhka gobolada ee wasaaradda, dhamaan isuduwayaasha wasaaradaha iyo hay'adaha dawlada ee gobolka, ururada bulshada, haweenka, jaamacadaha, ganacsatada iyo marti kale.
 
Ugu horayn waxa halkasi ka hadlay iskuduwaha wasaaradda qorshaynta ee gobolka Awdal mud Abdilahi Ciid oo soo dhaweeyay madaxda iyo kasoo qaybgalayaasha, sheegayna muhiimada shirkani leeyahay.
Agaasimaha waaxda qorshaynta mud Abdilahi Ahmed ayaa faahfaahin ka bixiyay qorshaha horumarinta qaranku qaabka uu u diyaarsan yahay iyo in masuuliyiintu xooga saaran fulintiisa.
Agaasimaha guud ee wasaaradda qorshaynta mud Mustafe Omer Hassan ayaa sheegay in gobolka Awdal yahay gobolkii 1aad ee la gaadhsiiyay qorshaha horumarinta qaranka, sidoo kalana ku dheeraaday in qorshaha meelmarintiisa ay xil iska saaran masuuliyiintu si uu u noqdo mid hirgala oo ka duwanaada qorshayaashii hore.
 
Intaa ka dib mayorka degmada Borama mud Mohamed Ahmed Warsame ayaa soo dhaweeyay muhiimada qorshahani leeyahay iyo sida loogu xidhi karo qorshaha horumarinta degmada si ay iskula jaan qaadan qorshaha horumarinta qaranka, waxana uu balan qaaday in lixdii bilood mar la qiimeeyo qorshaha qaybta ugu wayna ay ka qaadanayaan ka dawlad hoose ahaan.
Ugu danbayn waxa soo xidhay shirka badhasabka gobolka Awdal mud Hassan Dahir Haddi (Hassan Ciid) isagoo cadeeyay baahida gobolku u qabo qorshayal horumarineed oo noocan ah gaar ahaan baahida dhanka biyaha in xooga la saaro, sidoo kale waxa uu sheegay in dhawaan uu ku dhawaaqi doono guddidii horumarinta gobolka Awdal iyagoo qayb wayn ka qaadan doona hirgelinta qorshan.
 
Gebogabadii shirka waxa la guddoonsiiyay qaar ka mida ka soo qaybgelayshii buugii qorshaha horumarinta qaranka ee 3aad.