Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Md Mustafe Cumar Faarax

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Md Mustafe Cumar Faarax ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay ergo farsamo oo ka socotay Baanka Horumarinta Wadanka Jarmalka (KFW) oo ay hogaaminaysay julia Morawietz o ah Maamulaha Mashaariic badan oo ay KfW ka wado Bariga Qaaradda Africa.

Intii kulanku socday waxay labada dhinac ka wada hadleen fulinta mashruuc uu maal galiyo baanka Horumarinta wadanka Jarmalka oo loogu talo galay u adkaysiga abaaraha soo noq noqda ee sababtay isbadelka cimiladu, mashruucan waxaa ka faa’idaysana dadka reer guuraga iyo xoolo dhaqato beeralayda ah ee ku nool deegaanada hoos yimaada Gobalada Saaxil iyo Togdheer.

Mashruuca waxaa si wada jira u fulin doona Wasaaraddaha Deeganka iyo Horumarinta reer miyiga, Biyaha, Beeraha iyo Xanaanada xoolaha oo ay hogaaminayso Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranku.
Kulanka oo mudo socday waxay labada dhinac isla qaateen sidii looga wada shaqayn lahaa fulinta iyo hirgelinta Mashaariicda Horumarinta deeganada iyo ka hortaga Abaaraha iyo masiibooyinka dabiiciga ah ee ay sababaan isbadelka cimiladu.