Shirka Billaha ee u dhexeeya Maamulka iyo Shaqaalaha Wasaaradda ayaa ka qabsoomay xarunta Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka

Shirka Billaha ah ee u dhexeeya Maamulka iyo shaqaalaha Wasaaradda ayaa maanta ka qabsoomay xarunta Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka waxaana ka soo qayb galay Wasiirka, Agaasimaha Guud, Agaasime waaxeedyada iyo  shaqaale weynaha Wasaaradda.
  

Ujeedada shirkan ayaa ahayd sidii madaxda iyo shaqaalaha wasaaraddu ay u wadaagi lahaayeen xogaha dhanka shaqada sida ilaalinta wakhtiga shaqada, daryeelka shaqaalaha iyo arimo kale oo la xidhiidha horumarinta adeega shaqo ee ay wasaaraddu u xil saaran tahay.
Ugu horeyna Agaasimaha Waaxda cududka shaqaalaha Md Maxamed Ibraahim Buuni ayaa shaqaalaha la wadaagay ajadandaha shirka.

Intaasi kadibna agaasimaha guud ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka ayaa faah faahi ka bixiyey ujeedada shirkani waxaana uu agaasimaha guud xusay in ay muhiim tahay in bil kasta ay maamulka iyo shaqaalu kulmaan si loo dar dar gelinayo shaqada ka socota dhamaan waaxaha kala duwan ee Wasaaradda.
 

Intii uu kulanku socdayna qaar kamida hawl wadeenada Wasaaradda ayaa waxay ku soo bandhigeen war bixino iyo xogo la xidhiidha ilaalinta wakhtiga shaqada,daryeelka gaadiidka iyo qabyo qoraalka qorsha guud ee sanadka 2024 ay ku hawl gali doonaan waaxyaha kala duwan ee Wasaaraddu.
 

Ugu dambayn waxaa shirka si rasmi ah usoo xidhay Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Md Axmed Diiriye Toorno waxaana uu maamul ahaan balan qaaday inay tix galin doonaan dhamaan fikirada iyo talooyinka ay u soo jeediyeen qaar kamida shaqaalaha Wasaaraddu,sidoo kalena waxaa uu wasiirku sheegay inay wasaaradda ku hogaamin doonaan sinaan caadaalad iyo daryeel.