Wafti uu hoggaaminayo Wasiirka Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Md Axmed Maxamed Diiriye (Toorno)

Wafti uu hoggaaminayo Wasiirka Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Md Axmed Maxamed Diiriye (Toorno) ayaa kulamo kala duwan kula qaatay magaalada Nayroobi, qaadhaan bixiyayaasha Soomaalilaan kala shaqeeya arrimaha horumarka, iyo kuwo cusub oo dhawaan kusoo biiri doona maalgelinta horumarka Soomaalilaan.
Waftiga ayay kulamadaasi ugu soo dhamaadeen guul iyo is-afgarad ku saabsan horumarka Somaliland, gaar ahaana mudnaanta Qorshaha Horumarinta Qaranka oo ugu horreeyaan
 

1. Kobcinta dhaqaalaha, shaqo abuurka iyo yaraynta saboolnimadda oo ay ugu horreeyaan maalgelinta horumarinta xoolaha, beeraha, kalluunka iyo ganacsiga la xidhiidha.
2. Horumarinta khayraadka biyaha.
3. Maalgelinta kaabayaasha oo ay ka mid yihiin tamarta cusboonàaata iyo wadooyinka.
4. Jooghaynta isbedelka cimilada iyo cagaarinta deegaanka

Waftiga oo sii wada hawlaha shaqo ee ay u joogaan wadanka Kenya Ayaa magaaladda Nayroobi kulamo wada shaqayneed kula yeeshay madaxda iyo hawlwadeenadda Haayadda Xogkoobida Qaranka Kiiniya (Kenyan National Statistical Bureau), Haayadda Xogkoobida Sweden ee (Swedish Statistics) iyo Sanduuqa Qaramadda Midoobay ee Xogaha Dadka (UNFPA).

Intii kulamadu socdeen waxay dhinacyadu isla qaateen qodobo muhiima oo ay kamid yihiin xoojinta iskaashiga horumarinta xogkoobida gobolka Bariga Afrika, gaar ahaan tirokoobka iyo adeegsiga xogta iyo xaqiiqooyinka marka la gaadhayo go'aamadda siyaasadda, xeerdejinta, miisaaniyadda, iyo horumarinta dalalka Bariga Afrika oo ay Somaliland ka mid tahay.