Wasaarada Qorshaynta Iyo Horumarinta Qaranka ayaa gobolka saaxil ku qabatay kulan lagu qaybinayo Buugga Qorshaha Horumarinta Qaranka ee Saddexaad (NDP 3)

Wasaarada Qorshaynta Iyo Horumarinta Qaranka ayaa gobolka saaxil ku qabatay kulan lagu qaybinayo Buugga Qorshaha Horumarinta Qaranka ee Saddexaad (NDP 3). Xafladan waxaa kasoo qaybgalay masuuliyin uu ugu horeeyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka, Gudomiye xigenka Gobolka Saaxil, Maayir-xigeenka Degmada Berbera,  iyo isuduwayaasha Laamaha Dawlada ee gobolka Saaxil.

Ugu horeyn kulankaa waxaa furay isuduwaha Wasaaradda Qorshaynta ee Gobolka Saaxil iyo Sido kale Agaasimaha Waaxda Qorshaynta ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka. Ugu dambayn waxaa madasha soo xidhay Agaasimaha guud ee Wasaarada waxaana loogu qaybiyey mas'uuliyiintii kasoo qaybgalay Buugga NDP 3.