Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka oo soo gaba gabaysay kulan xog wadaaga

Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka oo soo gaba gabaysay kulan xog wadaaga oo ku saabsan Qiimayn ay wasaaradda Qorshayntu ku samaysay waaxaha Qorshaynta iyo Xog-koobista ee Wasaaraddaha iyo Haayadaha madaxa banaan ee dawladda, si loo diyaariyo Siyaasada heer qaran ee Horumarinta Xog-koobista (National Statistics Development Strategy).

Kulankan oo labadii maalmood ee u dambeeyey ka socday magaalada hargeysa ayaa waxaa ka qayb galayey Agaasimayaasha Waaxaha Qorshaynta iyo Xog-koobista (Planning and Statistics Departments) ee Wasaaraddaha iyo Haayaha dawlada.
Daahfurka kulankan waxaa si rasmi ah u daahfuray Agaasimaha Guud ee WQHQ Md Mustafe Cumar Faarax oo uu weheliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maalgashiga Md Cabdikarin Adan Cadde.

Intii uu kulanku socday waxaa lagu soo bandhigay xogta qiimaynta ay Wasaaradda Qorshayntu ku samaysay waaxyaha Qorshaynta iyo Xog-koobista ee Wasaaraddaha iyo Haayadaha Madaxa banaan, sidoo kale waxaa lagu lafo guray sidii qiimayntan loogu badeli lahaa Siyaasada Qaran ee xog-koobista.
Ugu dambayn kulanka waxaa ka soo baxay qodobo muhiima waxaana laysla qaatay sidii loo samayn lahaa siyaasad qaran oo ka turjumaysa baahiyaha xogta ee dalka.