Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka ayaa maanta xilkii u kala wareejiyey Agaasimihii hore iyo Agaasimaha Cusub ee waaxda Isku duwida ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka.

Munaasibad xilka ay kula kala wareegayeen Agaasimihii hore ee waaxda Isku duwida Md Cabdifarax Suldan Adan Faarax iyo Agaasimaha cusub ee Isku duwida Md Cabdinuur Jaamac Cabdile ayaa maanta ka qabsoontay xarunta Wasaaradda waxaana kasoo qayb galay Wasiir ku xigeenka,Agaasimaha Guud,Agaasimayaasha waaxaha iyo qaar kamida Shaqaale weynaha Wasaaradda.
Ugu horeyna waxaa munaasibada hadalo kala duwan oo iskugu jira Duco iyo Dar daaran usoo jeediyey labada agaasime ee xilka la kala wareegayey qaar kamida agaasime waaxeed yada Wasaaradda iyo Shaqaale weynaha Wasaaradda.
Agaasimihii hore ee waaaxda Isku duwida Md Cabdifatax Suldan Adan ayaa ugu mahad celiyey Madaxda iyo shaqaalaha Wasaarada sidii fiicnayd ee ay ula shaqaynayeen mudadii uu xilka halayey sidoo kale waxaa Agaasimaha cusub kula Dar Daarmay inuu shaqada u guto si Daacada.
Agaasimaha xilka la wareegayey Md Cabdi nuur Jaamac Cabdile ayaa isna dhankiisa uga macad celiyey masuuliyiinta Wasaaradda Xilka ay u igmadeen isagoona balan qaaday inuu xilka u gudan doono sida ay tahay oo ay ku dheehan tahay Daacadnimo.
Agaasimaha Guud ee Wasaarada WQHQ Md Axmed Cabdi Ismacil oo isna munaasibadani ka hadlay ayaa sii sagootiyey Agaasimihii hore ee Waaxda Isku duwida soona dhaweeyey Agaasimaha Cusub.
Gabagabadiina Waxaa xilka u kala wareejiyey labada Masuul Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Md Cabdiqadir Cumar Jaamac waxaa uu uga mahad celiyey sidii hagar la,aanta ee uu qaranka ugu shaqayn jiray Mudadii uu xilka hayey Agaasimihii hore ee waaxda Isku duwidu,dhanka kalena waxaa uu Wasiir ku xigeenku ku soo dhaweeyey bahda maamulka ee Wasaarada agaasimaha cusub ee waaxda Isku duwida ee WQHQ.
Xafiiska Xidhiidhka iyo Warbaahinta ee (WQHQ)