Wasiirka Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka . Dr,Axmed Aadan Buuxane ayaa Magaalada Hargeysa ka daahfuray Shirka Sanadlaha ee ay ku kulmaan Madaxda Wasaaradda iyo Dallada

Hargeisa:(WQHQ):-Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Dr,Axmed Aadan Buuxane ayaa Magaalada Hargeysa ka daahfuray Shirka Sanadlaha ee ay ku kulmaan Madaxda Wasaaradda iyo Dallada ay ku midaysan yihiin ururada Islaamiga ah ka hawl gala Gudaha Somaliland.Kulankani ayaa Waxaa ka soo qayb galay Masuuliyiin ka socotay Xukuumada, dhamaan Madaxda ururada ku midaysan Dalada Gurmad,Culimo iyo Marti sharaf kale.
Ujeedada kulankani ayaa ahayd sidii ay Wasaaradda Qorshayntu kor ugu qaadi lahayd Wadda shaqaynta Hay’adaha Islaamiga ee fuliya Mashaariicda samo falka iyo Horumarinta waxay labada dhinac ka wada hadleen:-
1. Sidii loo xoojin lahaa Madalaha ay isku waydaar sanayaan lahaayeen Dawlada iyo Dalada Dalada Gurmad xogaha iyo hadba xaalada dhaqan-dhaqaale ee Wadanka ka jirta.
2. Sidii ay labada dhinac iskaga kaashan lahaayeen Horumarka, La dagaalanka xanuunada iyo cidhib tirka saboolnimada.
3. Sidii layskaga kaashan lahaa isku duba ridka Barnaamijyada Horumarineed ee kor loogu qaadayo bulshada reer miyiga iyada oo la waafajinayo Qorshaha Horumarinta Qaranka iyo Hiigsiga Horumarinta Qaranka.
Intii uu kulanku socdayna Waxay Dalladu ku soo bandhigtay Mashaariicda kala duwan ee ay ka wadaan Gudaha Somaliland ee ay ka mid ka yihiin Arimaha Bulshada, Waxbarashada, Caafimadka, Biyaha iyo Tuulooyinka.
Masuuliyiintu kulanka ka soo qayb galay ayaa dhamaantood soo dhaweeyey sida ay muhiim u tahay in la helo madal ay isku xog waraystaan Madaxda Haayadaha Islamiga iyo Dawladu si loo mideeyo Mashaariicda ay ka fulinayaan Wadanka.
Gabagabadii shirkana Waxaa soo xidhay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Md Axmedyasin Muxumed Xasan.
Xafiiska Xidhiidhka iyo War-baahinta ee WQHQ,




May be an image of ‎1 person and ‎text that says "‎A EE WADAJ ORSHAYNT HAY'ADA EYA A AH EE U DHA HORUMARINT AAMIGA AH EE AFALKA ال زارة SHIRKA SANADLAHA EE U DHEXEEYA WQHQ IYO DALADA GURMAD جتما‎"‎‎
May be an image of 4 people, people sitting and indoor