Wasiirka qorshaynta iyo horumarinta qaranka oo daahfuray mashaariic cusub oo ay maalgelisay hay’adda gargaarka ee Boqor Salman.

Wasiirka Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Mudane Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi) ayaa daahfuray mashaariic cusub oo ay maalagelisay Hay’adda Gargaarka iyo Bini’ademtinimada ee Boqor Salmaan.

Mashaariicdan oo ahaa laba mashruuc ayaa waxa fulindoona hay’adda NRC iyada oo la kaashanaysa hay’addaha dawliga ah ee mashriicdani ay sida tooska ah ula shaqaynayaan.

Ugu horreyn, waxa kulankan lagu daahfurayay mashaariicda hadal iskugu jira soo dhawayn iyo ujeedka guud ee xafladda ah ka jeediyay Agaasimaha Waaxda Isku-dubaridka ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Mudane Cabdifataax Suldaan Aadan Faarax. Agaasimaha ayaa u mahadnaqay dhammaan kasoo qaybgalayaashii kulanka. Waxa sidoo kale isaguna kalmad kooban kulanka ka jeediyay madaxa Hay’adda NRC ee Somaliland Mudane Ibraahim Cumar oo ku hadlaayay afka hay’adda mashruuca fulinaysa.

 

Intaas kadib, waxa kulanka daahfurka laga soo jeediyay bandhig (presentations) ku saabsan labada mashruuc, iyada oo la falanqeeyay waxyaabaha ay mashaariicdani wax ka qaban doonaan, cidda ka faaidaysan doonta iyo halka laga fulin doonaba. Mashaariicdan ayaa laga fulin doonaa gobollada Sool, Sanaag iyo Togdheer. Intii kulanku socday waxa la is waydaarsaday soo jeedimo, suaalo iyo falanqayn ku aaddan mashaariicdan.

Intii kulanku socday, waxa haddalo koob kooban ka jeediyay madasha masuuliyiin ay ka mid ahaayeen Guddoomiyaha Gobolka Sanaag, Wasiir Ku Xigeenka Waxbarashada iyo Sayniska, iyo Guddoomiyaha Hay’adda ka Hortaga Aafooyinka iyo u Diyaargarowga Musiibooyinka, dhammaan masuuliyaantaasi waxa ay xooga saareen muhiimadda uu leeyahay mashruucani iyo sida loogu baahan yahay in la iskaga kaashado sidii loo heli lahaa xal waara isla markaana looga bixi lahaa ku tiirsanaanta deeqaha.

 

Ugu danbayntii, waxa si rasmiya u daahfuray mashaariicdan Wasiirka Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Mudane Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi). Wasiirka ayaa soo dhaweeyay hay’adda KING SALMAN ee mashaariicdan maalgelisay, xusayna in ay hay’addaasi kala shaqaynayaan sidii Somaliland looga hirgelin lahaa mashaariica raad fiican ka taga isla markaana kor u qaada horumarka iyo dhaqaalaha wadanka, wasiirka ayaa sidoo kale xusay in tani ay tahay bilow fiican,wuxuuna u mahadceliyay dhammaan masuuliyiinta Hay’adda oo intii kulanku socday Khadka tilifoonka kaga qayb qaatay kulanka. Wasiirka ayaa sidoo kale xusay, dedaalo ay dhawaan samaysay Wasaaraddu oo dib loogu soo noolaynayo isku-xidhnaanta mashaariicda wadanka ka socda, dabagalka iyo qiimayntooda iyo diiwaangelintoodaba. Wasiirka ayaa xusay in ay muhiim tahay in cidkasta oo rabta in dalkan ay wax ka qabato ay niyadda geliso sidii ay ula shaqayn lahayd hay’addaha maxaliga ah ee ururrada bulshada, dawladda iyo ganacsiga gaarka loo leeyahayba, si loo xaqiijiyo lahaanshaha deeqdaas loogu talo galay dalkan iyo dadkan. Wasiirka ayaa sidoo kale baaq u diray dhammaan hay’addaha kuna wargeliyay in ay u hoggaansamaan wareegto dhawaan kasoo baxday wasaaradda oo arrimo badan koobsanaysay.

 

Gabagabadii kulankana waxa uu wasiirku u mahadnaqay dhammaan kasoo qayb galayaasha, waxaanu ugu baaqay hay’addaha dawladda ee mashaariicdani la shaqayn doonaan in ay uga faaidaystaan sida ugu habboon.