Wasiirka Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Guddida Dalladda ay ku midaysan yihiin Ururrada Caalamiga ah iyo Kuwa Maxaliga ah ee NGO Consortium.

Wasiirka Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Guddida Dalladda ay ku midaysan yihiin Ururrada Caalamiga ah iyo Kuwa Maxaliga ah ee NGO Consortium.

Ujeedka kulankan ayaa ahaa isbarasho iyo dardargelin arrimaha la xidhiidha maamulka ururrada ee qabyada ah ama u baahan in la horumariyo.
Intii kulanku socdayna waxa lagaga wada hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin muhiimadda ay leedahay in la wadaago xogta ku saabsan mashaariicda iyo waxyaabaha ay hay'aduhu ka shaqaynayaan.