Wasiirka Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Md. Axmed Maxamed Diiriye (Toorno) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ku xigeenka Safiirka Denmark ee Somaliland

Wasiirka Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Md. Axmed Maxamed Diiriye (Toorno) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ku xigeenka Safiirka Denmark ee Somaliland iyo Somalia Marwo Gertrud iyo Madaxa Xafiiska Denmark ee Somaliland Md Mathias.

Kulankan oo ahaa kulan isbarasho iyo is xog-waraysi, waxa lagaga wada hadlay arimaha la xidhiidha hirgelinta Qorshaha Horumarinta Qaranka ee 3aad, maalgelinta mashaariicda horumarineed iyo kobcinta awoodda xogta ee qaranka.
Intii kulanku socday, waxa la isla qaatay in Dawladda Denmark ay sii wado taageerada ay soo dhex mariso Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee SDF iyo taageerada kale ee ay soo dhex mariso ururrada bulshada rayidka ah.
Iyadoo dawladda Denmark ay wax badan ka qayb qaadan doonto horumarka Sanadaha soo socda ee 2024 ka iyo wixii ka danbeeya.
Kulankan, waxa wasiirka ku wehelinayay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Md. Mustafe Cumar Faarax iyo qaar ka mid ah farsamo yaqaanada wasaaradda.