Wasiirka wasaaradda Qorshaynta iyo horumarinta qaranka ee Jamhuuriyadda Somaliland Marwo Kaltuun Sheekh Xasan Cabdi, ayaa wareegto rasmi ah ku magacowday masuuliyiin cusub oo xilal kala duwan ka qaban doona waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda.

Magacaabistaan oo uu ku saxeexan yahay Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo horumarinta qaranka, Marwo Kaltuun Sh. Xasan Cabdi, ayaa salka ku haysa dardargelinta shaqada Wasaaradda.

Masuuliyiinta la magacaabay waxaa ka mid ah agaasimeyaal, ku-xigeeno iyo madax waaxeedyo muhiim ah, kuwaas oo laga sugayo inay si hufan u gutaan waajibaadka loo igmaday.