Wasiirka Wasaarada Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Md Axmed Maxamed Diiriye (Toorno)ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wefti sare oo uu hogaaminayo madaxa xafiiska ururka dhakhaatiirta bilaa xuduudka ah

Wasiirka Wasaarada Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Md Axmed Maxamed Diiriye (Toorno) oo uu weheliyo Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimadka Md Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wefti sare oo uu hogaaminayo madaxa xafiiska ururka dhakhaatiirta bilaa xuduudka ah ee Médecins Sans Frontières (MSF) Mr Mohamed oo ay weheliyaan xubno sare oo tirsan xafiiska MSF ee Hargeysa.

Kulankan oo uu u jeedkiisu ahaa mahadnaq, ayaa waxaa labada Wasiir ay uga mahad celiyeen Masuuliyiinta Ururka taageerda dhanka caafimadka ee ay ka wadaan deegaanada iyo gobalada Somaliland ,sidoo kale waxay wasiiraddu kala wareegeen Masuuliyiinta 2 (laba) Had top iyo hal NOAH,baaburtani ayaa ahaa kuwo ka hawl gali jiray mashruuc dhamaaday ayaa waxaa lagu wareejiyey Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka oo ku Wasiirku ku wareejiyey Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, waxayna si rasmi uga hawl gali doonaan si kor loogu qaado adeega Caafimad ee Gobaladda Bariga Somaliland.