Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Ahmed Mohamed Diriye oo war bixin siiyey Gudiga dhaqaalaha, Maaliyada iyo Ganacsiga ee Golaha Wakiilada

Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka  oo uu weheliyo Agaasimaha Guud ayaa  war bixin ka siiyey Gudiga dhaqaalaha, Maaliyada iyo Ganacsiga ee Golaha Wakiilada JSL miisaaniyadda Wasaaradda ee sanadka 2024 iyo is waafajinta Qorshaha Horumarinta Qaranka ee 3aad.