Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Md. Cumar Cali Cabdilahi ayaa Maanta kulan la qaatay Wakiilka Haayada UNFPA u qaabilsan Wadanka Somaliland Mr. Anders Thomsen.
Kulankan oo ay Wasiirka ku wehelinayeen Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Qorshaynta,Agaasimaha Guud iyo qaar kamida agaasime Waaxadyada Wasaarada ayaa waxaa laga wada hadlay qodobo ay kamid yihiin:
  • Xoojinta xidhiidhka Haayada UNFPA iyo guud ahaan Wadanka Somaliland
  • Mashaariicda ay sida gaarka ula wadaan Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka oo ay kamid yihiin Mashruuca Horumarinta dhaqaalaha ee ILED iyo Mashaariicda Tirakoobka iyo sahanada oo ay wasaaradda Qorshaynta ka taageerto Haayada UNFPA.
Intii uu kulanku socdayna waxaa dood dheer laga yeeshay sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka Wada shaqayneed ee u dhexeeya Haayada UNFPA iyo Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka.
Sidoo kale waxaa lagaga wada hadlay kulanka Sidii ay Haayada UNFPA uga qayb qaadan lahayd diyaarinta Qorshaha 3aad ee Horumarinta Qaranka Somaliland oo dhawaan la bilaabi doono.
Kulankan oo ahaa mid wakhti qaatay ayaa kusoo dhamaaday Is afgarad labada dhinac ay ka gaadheen sii xoojinta xidhiihdka Wada shaqayneed ee u dhaxeeya Wasaaradda iyo UNFPA.