Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Mud Ahmed Mohamed Diriye oo xafiiskiisa ku qaabilay wafti ka socday Baanka Aduunka

Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafti sare oo oo ay hogaaminaysay mss Chantal Richey oo ah khabiir dhanka biyaha oo ka tirsan Baanka Aduunka.
Intii kulanku socday waxay labada dhinac ka wada hadleen mashaariicda horumarineed ee baanka aduunku uu ka taageerayo wadanka Somaliland iyo sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka wada shaqayneed ee u dhexeeya dawlada Somaliland gaar ahaan Wasaaradda Qorshaynta iyo Baanka Aduunka.

Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Md Axmed Diiriye (Toorno) ayaa waftiga war bixin ka siiyey mudnaanta uu Qorshaha Horumarinta Qaranka ee 3aad uu siinayo qabashada biyaha roobka iyo sidii looga faa,idayn lahaa dadka reer miyiga ee ku nool deeganada Somaliland.
Mashruuca barwaaqo ayaa kamida mashaariica ugu waa weyn ee baanka aduunku ka taageerayo wadanka ayaa xooga saaraya horumarinta biyaha, beeraha iyo deegaanka ee dadka reer miyiga ee ku nool deegaanada Somaliland.