Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka , oo uu weheliyo Agaasimaha Guud ee WQHQ xafiiskiisa ku qaabilay Hay’adda UNFPA

Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Md Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), oo uu weheliyo Agaasimaha Guud ee WQHQ Md Mustafe Cumar Faarax ayaa xafiiskiisa ku qaabilay madaxda Hay'adda UNFPA gaar ahaan  unuga xogta dadweynaha iyo horumarka u qaabilsan  ee fadhigiisu yahay Nairobi, oo ay weheliyaan Madaxda xafiiska Hargeysa.

Ujeedada kulankan ayaa ahayd sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka Wada shaqayneed ee u dhaxeeya Wasaaradda iyo Hay’ada UNFPA.
Intii kulanku socdayna waxay labada dhinac ka wada hadleen sidii loo samayn lahaa Tirakoob guud oo lagu ogaanayo tirada dadka iyo guryaha  si loo helo  xog dhab ah oo lagu go’aan qaadan karo, dhinacyada horumarinta siyaadaha gobolada iyo degmooyinka dalka.
Tirakoobka Dadka iyo guryaha ayaa kamida mudnaanaha qorshaha Horumarinta Qaranka ee 3aad, waxaana uu si gaara xooga u saarayaa sidii loo ogaan lahaa Tirada dadka iyo guryaha ee Somaliland si loo helo qorshe dhaba oo ka turjumaya baahiyaha muwaadiniinta reer Somaliland.