Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Md Axmed Diiriye Toorno iyo Agaasimaha Guud Md Mustafe Cumar Faarax, ayaa xafiiska ku qaabilay maamulka iyo masuuliyiinta Sanduuqa Horumarinta Somaliland

Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Md Axmed Diiriye Toorno oo ay weheliyaan Agaasimaha Guud ee WQHQ Md Mustafe Cumar Faarax, Xubno ka mida agaasimayaasha waaxaha iyo la taliyaal farsamo oo ka tirsan wasaaradda ayaa xafiiskiisa ku qaabilay maamulka iyo masuuliyiinta Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee SDF.

   
Intii kulanku socday waxaa warbixin guud oo ku saabsan Mashaariicda laga maal galinayo Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee SDF ka siiyey wasiirka Maamulaha sanduuqa Anthony Njue iyo maamule ku xigeenka Najax Adan, waxayna Wasiirka u soo bandhigeen mashaariicda socota, kuwa dhamaaday iyo sidii looga hawl gali lahaa bilawga wajiga saddexaad ee sanduuqa Horumarinta Somaliland ee SDF.
Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee (SDF) waa deeq lacageed oo lagu taageero dawladda Somaliland si ay u fuliso barnaamijyo kor loogu qaadayo Horumarinta Somaliland kuwaas oo waafaqsan Qorshaha Horumarinta Qaranka, sanduuqan waxaa maalgeintiisa iska kaashaday dalalka Ingiriiska, Denmark, Norway iyo Netherlands.