Wasiirka (WQ&HQ) oo ay weheliyaan Wasiiradda Wasaaraddaha Deeganka,Beeraha iyo Masuuliyiin ka socday Haayada FAO ayaa maanta si rasmi ah xadhiga uga jaray dhismaha maraynta xogta biyaha iyo dhulka

Hargeisa:25-09-22: Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka oo ay weheliyaan Wasiiradda Wasaaraddaha Deeganka,Beeraha iyo Masuuliyiin ka socday Haayada FAO ayaa maanta si rasmi ah xadhiga uga jaray dhismaha cusub ee Xarunta Maareynta macluumaadka xogta Biyaha iyo Dhulka ee Somaliland.
Munaasibad xadhiga lagaga jarayey xaruntan cusub oo ka qabsoontay xarunta ayaa waxaa ka soo qayb galay Wasiirada Wasaaraddaha Qorshaynta,Deeganka,Beeraha,Gudoomiyaha Hay,ada ka hortaga Masiibooyinka, Agaasimayaal guud, Masuuliyiita ugu sareeya Haayada Fao ee gacanta ku haya mashcuucan,Agaasimaha xarunta,shaqaale waynaha xarunta iyo Marti sharaf kale.
Xaruntan ayaa waxaa maal galiyey Hay’ada FOA oo taageero dhaqaale ka helaysa Midawga Yurub waxaana lagaga raysan doonaa xog yaraanta khayraadka Biyaha iyo Dhulka ee wadanka ka jira.
Ugu dambayna Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka
Dr.Ahmed Adan Ahmed (Buhane) ayaa war bixin guud ka siiyey waftiga Qorshaha Horumarinta Qaranka iyo halka uu marayo,sidoo kale wasiirku waxaa uu faahfaahin ka bixiyey muhiimada ay siinayaan sidii guud ahaan mashaariicda horumarineed ee ay fulinaya Hay’adaha Qaramada Midoobay,kuwa Caalamiga iyo kuwa Maxaliga loogu jaan goyn lahaa baahiyaha aasaasiga ee ka jira wadanka isla loo waafajin lahaa Qorshaha Horumarinta Qaranka.