Wefti oo hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka oo ay weheliyaan,ku xigeenka Maamulaha Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee SDF, ayaa maanta kormeer qiimayna ku soo maray


Wefti oo hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka oo ay weheliyaan Badhasaabka Gobalka Togdheer,ku xigeenka Maamulaha Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee SDF,Meeyar ku xigeenka Degmada Burco,Agaasimaha Waaxda Qiimaynta iyo Dabagalka ee WQHQ,Isku duwayaasha Wasaaraddaha Xanaanada Xoolaha iyo Qorshaynta iyo Masuuliyiin kale oo kala socday Wasaaradaha Qorshaynta iyo Xanaanada Xoolaha ayaa maanta kormeer qiimayna ku soo maray Mashruuca Xanaanada Xoolaha ee Baanka aroori oo laga maal galinayo Sanduuqa Horumarinta Somaliland.
Intii kormeerku socday waxay masuuliyiintu kormeer ku soo mareen qaybaha kala duwan ee Mashruuca Seeraha aroori oo ay hada ku jiraan noocyada kala duwan ee xoolaha.
Mashruuca Banka aroori ayaa loogu talo galay in xiliyada abaaraha ay ku bad badaan xoolaha ku dhaqan deegaanada Somaliland iyagoo ka hali doona Biyo iyo Baad.