(WQ&HQ),Shirka bilaha ah ee shaqaalaha iyo maamulka sare ee Wasaaradda oo maanta ka qabsoomay Hoolka shirarka ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka.


15-11-2022 (WQHQ),Shirka bilaha ah ee shaqaalaha iyo maamulka sare ee Wasaaradda oo maanta ka qabsoomay Hoolka shirarka ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka.
Shirka waxaa shir gudoominayey Wasiirka oo uu weheliyo Agaasimaha waaxda cududa shaqaalaha ee WQHQ.
Ujeedada guud ee shirka ayaa ahayd dar dar gelinta hawlaha shaqo ee ay wasaaraddu u xil saaran tahay iyo isbarasho guud oo u dhaxaysa Wasiirka iyo shaqaalaha Wasaaradda.
Ugu horayn waxaa shirkaasi war bixin ku saabsan Xaalada guud ee shaqaalaha, sidii loo tayayn lahaa iyo sidii loola socon lahaa habsami u socoda shaqada iyo shaqaalaha si joogto ah warbixin ka siiyey Wasiirka Agaasimaha waaxda Cududa shaqaalaha Md Maxamed Ibrahim Buuni.
Intaasi kadibna waxaa iyaguna dhankooda war bixin ku saabsan tabashooyinkooda shaqada ka soo jeediyey shirka qaar kamid ah shaqaalaha Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka.
Ugu dambayna Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Dr Axmed Adan Buuxane oo qudbad dheer u jeediyey shaqaalaha ayaa ku dhiiri geliyey inay sida ugu fiican u gutaan waajibaad-kooda shaqo, waxaana uu wasiirku balan qaaday inuu diyaar u yahay isla markaana ay heli doonaan shaqaaluhu wax kasta oo fududaynaya sidii ay u gudan lahaayeen waajibaad-kooda shaqo.
Xafiiska xidhiidhka iyo warbaahinta WQHQ,