Hargeysa:-12th-06-20.Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka oo uu weheliyo Agaasimaha Guud ee WQHQ ayaa maanta kulan la qaatay dhamaan Agaasimayaasha waaxaha kala duwan ee Wasaaradda.

Hargeysa: Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka oo uu weheliyo Agaasimaha Guud ee WQHQ ayaa maanta kulan la qaatay dhamaan Agaasimayaasha waaxaha kala duwan ee Wasaaradda.
Ujeedada guud ee kulanka ayaa ahayd is barasho Wasiirka cusub iyo Agaasimayaasha waaxaha.
Intii uu kulanku socdayna waxaa warbixin guud ka siiyey Wasiirka hawlaha Shaqo ee ay wasaaraddu u xil sharan tahay,shaqooyinka socda iyo sidii loo dhamays tiri lahaa shaqooyinkaasi Agaasimaha Guud ee WQHQ Md
Axmedyasin Muhumed Adde, Shaqooyinka ugu waa weyn ee hada socdana waxaa uu agaasimuhu ka xusay,dhamays tirka Qorshaha Horumarinta Qaranka ee 3aad oo hada gabo gabo ku dhaw,Mashruuca xogta Biyaha iyo Dhulka,Mashaariicda laga maalgalinayo Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee SDF, Mashruuca Biyoole iyo mashaariicda Horumarineed ee ka socda Dalka.
Agaasimayaasha Waaxaha ayaa sidoo kale Wasiirka Warbixin ka siiyey shaqooyinka ay qabtaan waaxaha kala duwan ee Wasaaraddu.
Gabagabadiina Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Dr
Ahmed Buhane ayaa uga mahad celiyey Agaasimaha Guud iyo Agaasimayaasha waaxaha warbixinta fiican ee ay ka siiyeen guud ahaan shaqada Wasaaradda,waxaana uu balan qaaday inuu ku hogaamin doono hawlahaasi si loo gaadho yoolasha iyo hiigsiga Qaranka loona helo Dal Horumarsan oo la Jaan qaadaya Wadamada Caalamka.
Xafiiska Xidhiidhka iyo Warbaahinta WQHQ,