Mashruuca Barwaaqo: Baanka Adduunka – Dowladda Somaliland

Qorshaha Horumarinta Bulshada 2024—2028

Tuulada Boodhlay, Degmada Gabilay ee Gobalka Maroodijex

Nidaamka Biyaha: Dhisidda Dhaam Biyood Cusub .  

Barta Uu Kuyaalo: 60 km  galbeedka  Hargaysa.  GPS: N: 9.5348  E: 43.5131

Tirada Bulshada: 2000 households oo degan ah iyo ilaa 250--300 oo reguraa biyaha soo doonta xiliyada abaarta.  

Tuulooyinka Hoos Yimaada: 9. 

Ilaha Dhaqaalaha Muhimka Ah: Xoolo Dhaqato beeralay ( Geel, Lo,o,  Adhi iyo digaag  ), iyo beeraha yaryar ee roobka (garow, digirta, tomato, qaji, xabxab iyo sisinta), xoogstada malinlaha 

 

Aragtida Bulshada

Bulshada Guud:   In sanad oo dhan ay ka helaan dhaamka loo dhisayo biyo joogta ah, ayna kawaraabsan karaan beeraha, Sidoo kale helitaanka adeegyada cafimaad xoolaha iyo dadka oo kor looqaday iyo inay noqoto tuuladu xudunta waxsoosaarka beerha; gaar ahaan salidaha iyo calafka xoolaha.

Haweenka :  In ay sanadkoo dhan helaan biyo joogto, daryeelka cafimaadka iyo waxbarashada oo kor loo qaaday. Sidoo kale in la xoojiyo ka ganacsiga waxsoosaarka xoolaha iyo beeraha si ay waxsoosarkoda ugu biiriyaan suuqaqa waddanka.   

Dhaliyarada Dumar ah:  In ay  arkaan bulsahada oo koraysa oo haysta biyo nadifa, waxbarasho tayadeedu sarayso, adeeg caafimaad oo dhamaystiran, kaabayasha nolosaha oo casriyaysan iyo degaanka oo ka xoroobay geedka garanwaaga.

Dhaliyarada Raga ah:  In ay arkaan dhalinyarada Boodhlay oo si firfircoon uga qayb qaadanaysa horumarinta bulshada, iyagoo helaya dugsi sare oo udhow, caafimaadka hooyada iyo dhalaanka, caafimaadka xoolaha oo la horumariyay, waraabka beeraha, sidoo kalena in ay helaan meelo loogu talagalay ciyaaraha iyo jimicsiga. 

Arimaha Hortabinta U leh Bulshada

Maamulka Illaha Biyaha

  • Dhisidda dhaam biyood cusub, taangiga kayd, nidaamka tamarta cadceeda, qasabada iyo dararka xoolaha
  • Kor u qaadida arimaha fayadhowrka iyo nadafada bulshada

Xoolaha iyo Beeraha

Xoolaha

  • Dhisidda xarunta adeega caafimaadka xoolaha
  • Kor-uqadista waxsoosaarka calafka xoolaha iyo farsamayntisa   
  • Tayaynta iyo kor uqaadista noocyada xoolaha( In la helo nooc xoolo ah cad iyo caanaba badan)
  • Kor uqaadista  iyo xoojinta ka ganacsiga xoolaha 

Beeraha    

  • Helitaanka taagerada waxbarashada sida; abuur, cara-nafaqeyaha iyo sunta cayayaanka
  • Maaraynta cayayaanka beeraha cunna
  • Koruqaadista aqoonta beeraha ee beeralayda
  • Horumarinta waraabka beeraha
  • Waxsoosaarka beeraha oo la suuq geeyay

Degaanka

  • Tobabaro maamulka khayraadka dabiiciga
  • Dhisida Moosaska carada iyo dhagaxa ee ka horatago caroguurka/nabaad guur
  • Xakamaynta iyo maamulka dhirta noocyada faafa
  • Kor uqaadista maamulka degaanka
 
 

Howlaha Waxqabad ee Laga Maalgalinayo Mashruuca Barwaaqo 

 

Howlaha waxqabad

Faahfahinta Waxqabadyada  (quantities, hectares…)

Xadiga Misaaniyada

Dhismaha Dhaam Biyood Cusub

Dhismaha Dhaam biyood cusub oo leh cabirka 40m balaca, 60m dhererka iyo 4.5 m oo  joog ah, kasoo la dhigayo qarbidka biyaha haya. Samaynta kayd kor loodhisay, qasabadaha biyaha laga cabo, dararka xoolaha, qolka waardiyaha iyo xayndaab siliga iyada biyaha looga soo saarayo nidaamka tamarta cadceeda

$195,000

Hagaajin adeegyada caafimaadka xoolaha

Dhismaha rugta caafimaka xoolaha

Tobabarid, tageerada qalab iyo daawo ee daryeelayaasha caafimaadka xoolaha

$20,000

Hagaajinta noocyada xoolaha( Genitic)

Xulista iyo Qiimeynta Noocyada Xoolaha ee La-qabsaday Cimilada isla markaana Wax-soosaar Sare Leh.

Bixinta iyo Tijaabinta Shan Sac oo lo,da caanaha badan leh ah, lana siiyo qoysas lasoo xullo, si tobar dhaqashada casrga ah ee xoolaha loo siiyo

$11,000

Xoojinta waxsoosaarka iyo ka ganacsiga xoolaha

In lasoo iibiyo 200 oo neef adhi ah oo loo qaybiyo ururada ay dumarku  hogaaminayaan

In la siiyo tobabaro la xidhiidha naaxinta xoolaha iyo adeegyada suuqqaynta

Sidoo kalana in si joogta ah loola socdo isbadalka togan

$25,000

Taageerada agabka waxsoosaarka beeraha

Soo iibinta iyo qaybinta qarbadada biya roobka lagu kaydsado, qalab gacmeedyo, mishiino iyo abuurka  khudaarta  oo tayadiisa la xaqiijiyay

$30,000

Dhisida iskaashatootinka kooxaha dugsi beeralay

Siinta tobabaro nidaamyada waxberashada sida; beerashada salida gabaldayaha, hagaajinta midha ee gosashada kadib iyo nidaamyada xakamaynta xanuunada iyo cayayaanka

$18,500

Hababka Ilaalinta Caradda iyo Biyaha

In la dhiso Moosaska ilaaliya carrada iyo biyaha ka ilaaliya nabaad guurka(xadiga waa la sheegi donaa)

Tobab la xidhiidha qaabka samaytana moosaskan

$36,000

Maaraynta Garanwaaga

Tobabaro ku saabsan maaraynta geedka garanwaaga iyo taagero qalabka loo isticmaalayo maaraynta garanwaaga

$35,000