Mashruuca Barwaaqo: Baanka Adduunka – Dowladda Somaliland

Qorshaha Horumarinta Bulshada 2024—2028

Tuulada Ceelbaxay, Degmada Laas ciidle ee Gobalka Saaxil

Nidaamka Biyaha: Dib-uhabaynta Ceel biyood, taangi kayd, dararka iyo qasabadaha biyaha.  

Barta Uu Kuyaalo: 125km Bariga Berbera.  GPS: N: 8.80255 E: 044.63168

Tirada Bulshada: 547 households oo deegaan ah iyo ilaa 2000 oo  biyaha soo doonta xiliyada abaarta.  

Tuulooyinka Hoos Yimaada: 11. 

Illaha Dhaqaalaha Muhimka Ah: Xoolo Dhaqashada ( Geel, Lo,o iyo Adhi ), ganacsiyada yaryar(Canaha, subaga iyo khudaarta), iyo beeraha yaryar ee khudaarta (tomaato, Qajida,  barbarooni, basal, xabxab).

Aragtida Bulshada

Bulshada Guud:   Degaan  barwaaqo ah, islamarkaana biyaha macaan loo helaayo sanadka oo dhan dadka iyo xoolahaba, sidoo kalana leh adeegyo cafimaad iyo waxbarasho oo dhamaystiran, fursadaha ilo dhaqaale oo kala duwan la abuuray iyadoo taageero dhamaystiran la siinaayo dadka nugul. Sidoo kala la xaliyay dhamaan caqabadaha degaanka iyo xoolaha.

Haweenka : , daryeelka cafimaadka oo kor loo qaaday lehna dumar adeegayaal caafimaad oo xirfad sare leh, adeega qasabada biyaha oo udhow guryaha, nadafada iyo fayadhowrka bulshada oo la haagiyay iyo korodhka tageerada dhaqaale ee lasiiyo dumarka 

Dhaliyarada (Rag and Dumarba):  In ay helaan  waxbarasho dugsi sare,  xirfadaha farsmada gacanta, meelo ay ku ciyaraan, adeeg caafimaad oo fican iyo koradh tageero dhaqaale. 

Dadka Naafada ah: In ay heli karaan, meelo ay marikaraan, ilo dhaqaale oo ay umadax banan yihiin, sida lahaanshaha xoolo, beero. Iyo in ay helaan adeegyo caafimaad iyo waxbarasho oo ku haboon xaladooda naafanimo.

Arimaha Hortabinta U leh Bulshada

Maamulka Illaha Biyaha

  • Dhisida ceel gacmeed leh kayd biyo oo la taagay, nidaamka tamarta cadceeda, qasabada iyo dararka xoolaha
  • Samaynta qasabadaha biyaha ee tuulada
  • Dhisid guddiga maamulka nidaamka biyaha oo xoogan oo shaqaynaayo
  • Kor qaadida arimaha fayadhowrka iyo nadafada bulshada

Xoolaha iyo Beeraha

Xoolaha

  • Dhisida xarunta adeega caafimaadka 
  • Tobabarka iyo qalabaynta daryelayaasha adeegyada caafimaadka xoolaha
  • Koruqdista waxsoosaarka calafka xoolaha  
  • In la bilaabo dhaqashada shinnida

Beeraha

  • Tobabaro ku saabsan nidaamka beeraha waxsoosaarkoodu waaro  
  • Helitaanka abuur, caro nafaqeeye iyo agabka gacmeedka beeraha oo tayo sare leh
  • Helitaanka nidaamka waraabka biyaha tashiila oo loo isticmaalayo habka tamarta cadceeda
  • Dhisida iskaashatooyin beeralay ah

Degaanka

  • Fulinta howlo lagu ilaalinta nabaad guurka carada
  • Kordhinta ilaalinta dhirta degaanka
  • In loo abuuro fursado shaqo dadka ku tiirsan isticmaalka dhirta, sida dhuxlaystada
  • Beerista geedo cusub and maamulka kaymaha