Qorshaha Horumainta Bulshada 2024—2028

Tuulada Awbarkhadle, Degmada macalin Haruun ee Gobalka Maroodijex

Nidaamka Biyaha: Dib uhabaynta Biyo-xidhka dooxa.  

Barta Uu Kuyaalo: 30km Waqooyibarri Hargeisa, wadada Berbera.  GPS: N: 09.68409 E: 044.30301

Tirada Bulshada: 440 households.  Tuulooyinka Hoos Yimaada: 4. 

Illaha Dhaqaalaha Muhiimka Ah: Xoolo Dhaqashada ( Geel, Lo,o Adhi, Digaag, iyo dameero), ganacsiyada yaryar, iyo beeraha yaryar ee khudaarta (Cambe babay, liin dhanan, Cambe laf, tomaato, Qajida,  barbarooni, basal, kabbaj).

Aragtida Bulshada

Bulshada Guud:   Degaan cagaaran, barwaaqo ah oo lahayn wax gedaha xerodhaladka ahayn ee faafa, islamarkaana biyaha loo helaayo sanadka oo dhan beeraha iyo xoolahaba.

Haweenka : Hiltaanka rasmaal iyo xirfado ganacsi , daryeelka cafimaadka iyo adegyada qoysaska

 oo kor looqaaday.

Dhaliyarada (Rag and Dumarba):  In ay helaan  koruqaad waxbrasho, xirfadaha farsmada gacanta iyo taagero xaga horumarinta ganacsiga ah, si ay u koraan kana qayb qataan horumarka bulshada 

Barakayaasha:  In ay helikaraan baahiyaha assasiga ah (guryo, biyo, cunto caafimad )  iyo fursadaha shaqooyinka.

Dadka Naafada ah: In ay heli karaan taageero biliadantinimo iyo ka qaybqadasho firfircoon arimaha masiiriga ee  bulshada dhexdeda.

Arimaha Hortabinta U leh Bulshada

Maamulka Illaha Biyaha

  • Dib udhiska biyoxidheenka doxada iyo ceel gacmeedka
  • Samaynta qasabadaha biyaha ee tuulada
  • Dibuhabaynta iyo dayactirka qolka kaydka, solarka iyo qasabadaha
  • Tobabarka Maamulka Nidaamka Biyaha
  • Tobabaro iyo wacyigalin kor loogu qaada arimaha fayadhowrka iyo nadafada bulshada

Xoolaha iyo Beeraha

Xoolaha

  • Koruqdid iyo tayaynta calafka xoolaha
  • Adeegyada caafimadka xoolaha
  • Asaasida  iskaashatooyinka suuqgaynta caanaha xoolaha
  • Koruqdista iyo taagerada  dhaqashada shinida 
  • Kor uqaadista dhaqashada digaaga

Beeraha

  • Agabka beeraha (Abuurka, carro nafaqeeyaha  iyo agabka loo isticmaalo qodista beerha) 
  • Nidaamka waraabka beeraha yaryar 
  • Helitaanka Mashiinada Beeraha ( tiro cagafyda qodaalka iyo goynta Beeraha)
  • Xayndaab loo sameeyo dhul bereedka si looga ilaaliyo xoolaha iyo duurjoogtaba
  • Tobabaro ku saabsan maamulka cayayaanka iyo xanuunadaba

Degaanka

  • Xakamaynta Nabaadguurka Boholaha
  • Dib usoo noolaynta dhul daaqsimeedka  
  • Training on prosopis management & control Tobobaro la xidhiidh maamulka iyo xakamaynta geedka garanwaaga

 

 
 

Howlaha Waxqabad ee Laga Maalgalinayo Mashruuca Barwaaqo

 

Howlaha waxqabad

Faahfahinta Waxqabadyada  (quantities, hectares…)

Estimated budget

Dib uhabaynta biyo-xidheenka

Dib uhagaajinta biyo-xidheenka doxa iyo dayactirka bamka ceelka. Sidoo kale hagaajinta solarka saran qolka waardiyaha

Dayacticrka  qasabadaha biyaha laga cabo oo 6 ah

Dib uhabaynta iyo ranjiyaynta Qolalka waardiyaha iyo alaabada

Dib uhabaynta meelaha ay biyihu kaso galaan dararka xooluha kacabaan   dayactirka suuliyada

$9,789

Adeegyada caafimaadka xoolaha  

Dawooyinka iyo qalabka xoolaha lagu daweeyo, tobarada daryeelayasha adeega caafimadka xoolaha

Taagerada adeega caafimaadka xoolaha

$16,140

Waxbarashada xooladhaqatada

Kor uqaadista wacyiga xoolodhaqata ee ku aadan xanuunada halista ah  garashadooda iyo dawayntoodaba

$2,740

Dhisidda gudi-hosaadka horimanta

Kulamo gudiga horumarinta bulshado oo la ogaysiiyo shurrudaha xubnaha gudi-hosaadka lagu doranaayo iyo bixinta tobabar hordhac,  samaynta qaabdhismeed gudi-hosaadka iyo xeer hosaadkodaba

$2,190

Dhisidda iskaashato suuq-gaynta caanaha

Soo iibinta iyo qaybinta qalabka caanaha loo isticmaalo, Wacyigalin la siiyo dumarka caanaha ka ganacsada

$8,427

Taageerada adeega beeraha

Soo iibinta abuur tayo sare leh oo loo soo iibiyo beeralayda yaryar ee u nugul abaaraha iyoisbadalka  cimilada

Soo iibinta, qaybinta iyo rikibaada aqal beereedyad(green houses, Soo ibinta iyo qaybinta qalab gacmeedka beeraha, Qaybint bacaha biyaha lagu kaydsado

$3,500

Asaasida Iskaashatooyinka beeralayda iyo Kooxaha Dugsiga Beeralayda

Aasasida 4 dugsi beralay iyo bixinta tobabaro ku aadan hababka beeraha cimilada la jaanqadaya sida maamulka cayayaanada iyo xanuunada, iyo hab waraabin casri ah oo biyaha si tartiib ah ugu shuba xididdada dhirta

$10,950

Dib Usoo noolaynta dhul daaqsimeedka

Dhisida 1344 M oo dherer ah  oo moosas carada iyo biyaha qabta oo gadhaya ilaa dhul ah 7 hictar, Dhisida 98m3 biyo xidheenada dhagaxa, 108m3 biya xidheenka gabyanka/siliga  iyo 27m3 of Moosaska dhagaxa si loo xakameeyo socodka biyaha roobka, loogana hortago nabaad-guurka dhulka

$29,800

Tababar Xakamaynta Nabaad-guurka iyo Maareynta Biyaha

Tababaraha, diyaarinta qalabka iyo bugaagta tobabarka

$3,000

Dhirayn

Beerista 4000 oo geed oo dhirt xerodhaladka ah

$5,600

Bixinta Girgirayaasha tamarta madhxiya

In loo qaybiyo girgirayasha madhxiya tamarta qoysaska lasoo xulay

$3,450

Dhisida uru ka shaqeeya dhul daaqsimeedka

In tuulooyinka laga dhiso ururo ka shaqeeya lanasocda maamulka iyo ilaalinta dhul daaqsimeedka

$4,800