Qorshaha Horumainta Bulshada 2024—2028

Tuulada Awbarkhadle, Degmada macalin Haruun ee Gobalka Maroodijex

Nidaamka Biyaha: Dib uhabaynta Biyo-xidhka dooxa.  

Barta Uu Kuyaalo: 30km Waqooyibarri Hargeisa, wadada Berbera.  GPS: N: 09.68409 E: 044.30301

Tirada Bulshada: 440 households.  Tuulooyinka Hoos Yimaada: 4. 

Illaha Dhaqaalaha Muhiimka Ah: Xoolo Dhaqashada ( Geel, Lo,o Adhi, Digaag, iyo dameero), ganacsiyada yaryar, iyo beeraha yaryar ee khudaarta (Cambe babay, liin dhanan, Cambe laf, tomaato, Qajida,  barbarooni, basal, kabbaj).

Aragtida Bulshada

Bulshada Guud:   Degaan cagaaran, barwaaqo ah oo lahayn wax gedaha xerodhaladka ahayn ee faafa, islamarkaana biyaha loo helaayo sanadka oo dhan beeraha iyo xoolahaba.

Haweenka : Hiltaanka rasmaal iyo xirfado ganacsi , daryeelka cafimaadka iyo adegyada qoysaska

 oo kor looqaaday.

Dhaliyarada (Rag and Dumarba):  In ay helaan  koruqaad waxbrasho, xirfadaha farsmada gacanta iyo taagero xaga horumarinta ganacsiga ah, si ay u koraan kana qayb qataan horumarka bulshada 

Barakayaasha:  In ay helikaraan baahiyaha assasiga ah (guryo, biyo, cunto caafimad )  iyo fursadaha shaqooyinka.

Dadka Naafada ah: In ay heli karaan taageero biliadantinimo iyo ka qaybqadasho firfircoon arimaha masiiriga ee  bulshada dhexdeda.

Arimaha Hortabinta U leh Bulshada

Maamulka Illaha Biyaha

  • Dib udhiska biyoxidheenka doxada iyo ceel gacmeedka
  • Samaynta qasabadaha biyaha ee tuulada
  • Dibuhabaynta iyo dayactirka qolka kaydka, solarka iyo qasabadaha
  • Tobabarka Maamulka Nidaamka Biyaha
  • Tobabaro iyo wacyigalin kor loogu qaada arimaha fayadhowrka iyo nadafada bulshada

Xoolaha iyo Beeraha

Xoolaha

  • Koruqdid iyo tayaynta calafka xoolaha
  • Adeegyada caafimadka xoolaha
  • Asaasida  iskaashatooyinka suuqgaynta caanaha xoolaha
  • Koruqdista iyo taagerada  dhaqashada shinida 
  • Kor uqaadista dhaqashada digaaga

Beeraha

  • Agabka beeraha (Abuurka, carro nafaqeeyaha  iyo agabka loo isticmaalo qodista beerha) 
  • Nidaamka waraabka beeraha yaryar 
  • Helitaanka Mashiinada Beeraha ( tiro cagafyda qodaalka iyo goynta Beeraha)
  • Xayndaab loo sameeyo dhul bereedka si looga ilaaliyo xoolaha iyo duurjoogtaba
  • Tobabaro ku saabsan maamulka cayayaanka iyo xanuunadaba

Degaanka

  • Xakamaynta Nabaadguurka Boholaha
  • Dib usoo noolaynta dhul daaqsimeedka  
  • Training on prosopis management & control Tobobaro la xidhiidh maamulka iyo xakamaynta geedka garanwaaga