Mashruuca Barwaaqo: Baanka Adduunka – Dowladda Somaliland

Qorshaha Horumainta Bulshada 2024—2028

Tuulada Garabis, Degmada Farawayne ee Gobalka Maroodijex

Nidaamka Biyaha: Dhisida Dhaam Biyood Cusub .  

Barta Uu Kuyaalo: 20km Koonfur galbeed Hargaysa.  GPS: N: 9.4309  E: 43.9557

Tirada Bulshada: 500 households oo degan ah iyo ilaa 300 oo  biyaha soo doonta xiliyada abaarta.  

Tuulooyinka Hoos Yimaada: 0. 

Ilaha Dhaqaalaha Muhimka Ah: Xoolo Dhaqato beeralay ( Geel, Lo,o iyo Adhi ), iyo beeraha yaryar ee roobka , xoogsatada malinlaha 
 

Aragtida Bulshada

Bulshada Guud:   Degaan  helitannka biyaha dadka iyo xoolahaba joogto yihiin  sanadka oo dhan, sidoo kalana leh adeegyo cafimaad iyo waxbarasho oo dhamaystiran. Badqabka degaanka iyo waxsoosaarka xoolaha iyo berahana kor looqaday si leh waritaan mudo dheer.

Haweenka :  daryeelka cafimaadka oo kor loo qaaday, waxbarasho iyo helitaanka biyo joogto ah sandkoo dhan una dhow guryahooda. Sidoo kale fayadhowrka degaanka oo la hagaajiyay iyadoo la dhisay suuliyaal  

Dhaliyarada Dumar ah:  In ay helaan  waxbarasho  adeeg cafimaad oo la hurumariyay,  xirfadaha farsmada gacanta, tobaro, iyo shaqooyin si ay sifican ugu noladaan tuuladooda

Dhaliyarada Raga ah:  Dhalinyarada oo awoodooda waxbarasho iyo xirfadaba kor looqaday, helayn tobabaro khuseeya beeraha iyo xoolahaba, sidoo kalena in helaan meelo loogu talagaly ciyaaraha iyo jimicsiga. 

Arimaha Hortabinta U leh Bulshada

Maamulka Illaha Biyaha

  • Dhisida dhaam biyood cusub, taangiga kayd, nidaamka tamarta cadceeda, qasabada iyo dararka xoolaha
  • Kor qaadida arimaha fayadhowrka iyo nadafada bulshada

Xoolaha iyo Beeraha

Xoolaha

  • Dhisida xarunta adeega caafimaadka 
  • Kor uqaadista adeegyada caafimaadka xoolaha 
  • Koruqdista waxsoosaarka calafka xoolaha  
  • Dib u xoolaynt dadka ay samaysay isbadalka cimaladu
  • Suuq gaynta ukunt/beedka iyo malabka

Beeraha    

  • Helitaanka abuur, caro nafaqeeye iyo agabka gacmeedka beeraha oo tayo sare leh
  • Koruqaadista aqoonta beeraha ee beeralayda
  • Helitaanka taagerada waxberashada sida; abuur, cara nafaqeyaha iyo sunta cayayaanka
  • Maraynta cayayaanka beeraha cunna
  • Horumarinta waraabka beeraha iyo qaybinta qarbadada lagu kaydsado biyaha

Degaanka

  • Dib usoo noolaynta dhul daaqsimeedka
  • Dhisida Moosaska carada iyo dhagaxa ee ka horatago caroguurka/nabaad guur
  • Beerista geedo cusub iyo ilaalnta  kaymaha 
  • Kor uqaadista xirfada iyo aqoonta ilaalinta carrada iyo biya ee bulshada degaanka
  • In shaqo loo abuuro bulshada qaybta ku tiirsan isticmaalka dhirta– dhuxulaysatada