Mashruuca Barwaaqo: Baanka Adduunka – Dowladda Somaliland
Qorshaha Horumainta Bulshada 2024—2028
Tuulada Garabis, Degmada Farawayne ee Gobalka Maroodijex
Nidaamka Biyaha: Dhisida Dhaam Biyood Cusub .
Barta Uu Kuyaalo: 20km Koonfur galbeed Hargaysa. GPS: N: 9.4309 E: 43.9557
Tirada Bulshada: 500 households oo degan ah iyo ilaa 300 oo biyaha soo doonta xiliyada abaarta.
Tuulooyinka Hoos Yimaada: 0.
Ilaha Dhaqaalaha Muhimka Ah: Xoolo Dhaqato beeralay ( Geel, Lo,o iyo Adhi ), iyo beeraha yaryar ee roobka , xoogsatada malinlaha
Aragtida Bulshada |
|
Bulshada Guud: Degaan helitannka biyaha dadka iyo xoolahaba joogto yihiin sanadka oo dhan, sidoo kalana leh adeegyo cafimaad iyo waxbarasho oo dhamaystiran. Badqabka degaanka iyo waxsoosaarka xoolaha iyo berahana kor looqaday si leh waritaan mudo dheer. Haweenka : daryeelka cafimaadka oo kor loo qaaday, waxbarasho iyo helitaanka biyo joogto ah sandkoo dhan una dhow guryahooda. Sidoo kale fayadhowrka degaanka oo la hagaajiyay iyadoo la dhisay suuliyaal Dhaliyarada Dumar ah: In ay helaan waxbarasho adeeg cafimaad oo la hurumariyay, xirfadaha farsmada gacanta, tobaro, iyo shaqooyin si ay sifican ugu noladaan tuuladooda Dhaliyarada Raga ah: Dhalinyarada oo awoodooda waxbarasho iyo xirfadaba kor looqaday, helayn tobabaro khuseeya beeraha iyo xoolahaba, sidoo kalena in helaan meelo loogu talagaly ciyaaraha iyo jimicsiga. |
|
Arimaha Hortabinta U leh Bulshada |
|
Maamulka Illaha Biyaha |
|
Xoolaha iyo Beeraha |
Xoolaha
Beeraha
|
Degaanka |
|
|
Howlaha waxqabad |
Faahfahinta Waxqabadyada (quantities, hectares…) |
Xadiga Misaaniyada |
Dhismaha Dhaam Biyood Cusub |
Dhismaha Dhaam biyood cusub oo leh cabirka 75m balaca, 100m dhererka iyo 3.10m oo joog ah, kasoo la dhigayo qarbidka biyaha haya. Samaynta qasabadaha biyaha laga cabo, dararka xoolaha, qolka waardiyaha iyo xayndaab siliga |
$290,000 |
Dhismaha xarun caafimadka xoolaha |
Dhismaha xarunta caafimaka xoolaha oo ka kooban 2 qol, barande, 2 suuli iyo dayr kusoo waregsan. Xaruntu waxay ku fadhidaa 20 m oo labajibaran |
$20,000 |
Tobabar iyo Tageero qalab lasiyo daryeelayaasha caafimaadka xoolaha |
Tobabro la siiyo daryeelayaasha caafimaadka xoolaha Dawooyin iyo qalab caafimaad oo lasiiyo daryeelayaasha caafimaadka xoolaha |
$10,000 |
Dib uxoolaynta qoysaska ay xooluhu ka baxeen |
In lasoo iibiyo 450 adhi ah oo loo qaybiyo 30 qoys oo qoyskiba u helaayo 15 neef |
$45,000 |
In 15 qoys oo ah kuwa nugul laga tageero dhaqashada shinida |
Soo ibinta sanduuyada shinnida(Gaagur), dirayska, gacmo gashadka(Gloves), qiijiyaha iyo qalabyada kale ee shinnida loogu bahan yahay. Bixinta tobabar la xidhiidha mamaulka, dyactirka sanaduuqda shinida iyo gosashada malabka. |
$21,000 |
In kor loo qaado dhaqashada digaage ee qoysaska nugul |
In loo soo iibiyo nooc digaaga oo adkaysi uleh cimilada In loo dhiso guryo digaag oo casriya, lehna melaha ay ku dhalayan, nidaam quudis iyo meelihii biyaha laga cabayay. |
$44,000 |