Mashruuca Barwaaqo: Baanka Adduunka – Dowladda Somaliland

Qorshaha Horumarinta Bulshada 2024—2028

Tuulada Geed Abeera, Degmada Gabilay ee Gobalka Maroodijex

Nidaamka Biyaha: Dhisidda Dhaam Biyood Cusub .  

Barta Uu Kuyaalo: 42 km  Koonfur galbeed  Hargaysa.  GPS: N: 9.5200  E: 43.6996

Tirada Bulshada: 5,000 households oo degan ah oo ay kujiraan tuulooyinka hoos yimaada

Tuulooyinka Hoos Yimaada: 13. 

Ilaha Dhaqaalaha Muhimka Ah: Xoolo Dhaqato beeralay ( Geel, Lo,o,  Adhi, dameero iyo dhaqashada shinida) iyo isticmaal beero robaadka waxanay beertaan midhaha sida; garow, digirta, tomato iyo qajida.

Aragtida Bulshada

Bulshada Guud:   Tuulada geed abeera oo sanadka oo dhan biyaha laga helaayo lagana cidhib tiray baahida biyaha ee dadka iyo xooluhu uga hayamadaan tuulada. Sidoo kale caruurtu ay helaan waxbarasho iyo adeeg caafimaad oo marwalba diyaara, waxsoosaarka beeraha oo kordhay, iyo haweenka oo si mug leh uga qayb qaadanayada dhamaan qaybaha waxsoosaarka oo ay kujiraan inay suuqa geyaan waxsoosaarka.

Haweenka :  In ay sanadkoo dhan helaan biyo joogto, daryeelka cafimaadka iyo waxbarashada oo kor loo qaaday. Sidoo kale in la xoojiyo ganacsiga la xidhiidha xoolaha iyo beeraha iyadoo kor looqaadayo xirfadaha waxsoosaar iyo suuq gaynta ee haweenka.    

Dhaliyarada Dumar ah:  In ay  arkaan tuulada oo horumarsa,  haystana  biyo nadifa sanadka oo dhan, haweenka da,da yar oo la horumariyo iyadoo lasinaayo waxbarasho tayadeedu sarayso, horumarinta xirfadaha, adeeg caafimaad oo dhamaystiran, in la tirtiro ka hadhida dugsiga ee uu sababo guurka dagdaga ah, sidoo kale uu degaankoodu k andiif noqdo geedka granwaaga.

Dhaliyarada Raga ah:  In ay arkaan dhalinyarada tuulda oo si firfircoon uga qayb qaadanasa horumarka bulshada iyadoo tuuladuna ay leedahay biyo joogto ah, waxbarasho dugsi sare, adeeg caafimaad oo dhamaystiran iyo tobabaro nidaamyada waxsoosaar ee xoolaha iyo beeraha, sidoo kalana ay wakhti uhelaan ciyaaraha

Arimaha Hortabinta U . leh Bulshada

Maamulka Illaha Biyaha

  • Dhisida dhaam biyood cusub oo xayndaab siliga, taangiga kayd, nidaamka tamarta cadceeda, qasabada iyo dararka xoolaha,  iyo qolka waardiyaha
  • Dhisida iyo tobabarada gudiga maamulka biyaha

Xoolaha iyo Beeraha

Xoolaha

  • Adeega caafimaadka xoolaha
  • Koruqdista waxsoosaarka calafka xoolaha iyo kaydintiisa   
  • Dib u xoolaynta qoysaska nugul
  • Kor uqaadista dhaqashada digaaga
  • Taageerada iyo horumarinta ka ganacsiga caanaha iyo waxsoosaarka canaha la xidhiidha
  • Taageerada iyo hormainta dhaqashada shinida 

Beeraha    

  • Helitaanka abuur tayadisu sarayso iyo qalb gacmeedka beraha
  • Maaraynta iyo xakamaynta xanuunada iyo cayayaanada beeraha
  • Tobabaro la xidhiidha beeraha
  • In la sameeyo xarun lagu kaydiyo abuurka beeraha

Degaanka

  • Tobabar maamulka khayraadka dabiiciga ah
  • Fulinta farsamooyinka lagu joojiyo/ maamulo carrada iyo biyaha 
  • Xakamaynta iyo maaraynta geedaha ku faafa degaanka