Mashruuca Barwaaqo: Baanka Adduunka – Dowladda Somaliland

Qorshaha Horumarinta Bulshada 2024—2028

Tuulada Geed Abeera, Degmada Gabilay ee Gobalka Maroodijex

Nidaamka Biyaha: Dhisidda Dhaam Biyood Cusub .  

Barta Uu Kuyaalo: 42 km  Koonfur galbeed  Hargaysa.  GPS: N: 9.5200  E: 43.6996

Tirada Bulshada: 5,000 households oo degan ah oo ay kujiraan tuulooyinka hoos yimaada

Tuulooyinka Hoos Yimaada: 13. 

Ilaha Dhaqaalaha Muhimka Ah: Xoolo Dhaqato beeralay ( Geel, Lo,o,  Adhi, dameero iyo dhaqashada shinida) iyo isticmaal beero robaadka waxanay beertaan midhaha sida; garow, digirta, tomato iyo qajida.

Aragtida Bulshada

Bulshada Guud:   Tuulada geed abeera oo sanadka oo dhan biyaha laga helaayo lagana cidhib tiray baahida biyaha ee dadka iyo xooluhu uga hayamadaan tuulada. Sidoo kale caruurtu ay helaan waxbarasho iyo adeeg caafimaad oo marwalba diyaara, waxsoosaarka beeraha oo kordhay, iyo haweenka oo si mug leh uga qayb qaadanayada dhamaan qaybaha waxsoosaarka oo ay kujiraan inay suuqa geyaan waxsoosaarka.

Haweenka :  In ay sanadkoo dhan helaan biyo joogto, daryeelka cafimaadka iyo waxbarashada oo kor loo qaaday. Sidoo kale in la xoojiyo ganacsiga la xidhiidha xoolaha iyo beeraha iyadoo kor looqaadayo xirfadaha waxsoosaar iyo suuq gaynta ee haweenka.    

Dhaliyarada Dumar ah:  In ay  arkaan tuulada oo horumarsa,  haystana  biyo nadifa sanadka oo dhan, haweenka da,da yar oo la horumariyo iyadoo lasinaayo waxbarasho tayadeedu sarayso, horumarinta xirfadaha, adeeg caafimaad oo dhamaystiran, in la tirtiro ka hadhida dugsiga ee uu sababo guurka dagdaga ah, sidoo kale uu degaankoodu k andiif noqdo geedka granwaaga.

Dhaliyarada Raga ah:  In ay arkaan dhalinyarada tuulda oo si firfircoon uga qayb qaadanasa horumarka bulshada iyadoo tuuladuna ay leedahay biyo joogto ah, waxbarasho dugsi sare, adeeg caafimaad oo dhamaystiran iyo tobabaro nidaamyada waxsoosaar ee xoolaha iyo beeraha, sidoo kalana ay wakhti uhelaan ciyaaraha

Arimaha Hortabinta U . leh Bulshada

Maamulka Illaha Biyaha

  • Dhisida dhaam biyood cusub oo xayndaab siliga, taangiga kayd, nidaamka tamarta cadceeda, qasabada iyo dararka xoolaha,  iyo qolka waardiyaha
  • Dhisida iyo tobabarada gudiga maamulka biyaha

Xoolaha iyo Beeraha

Xoolaha

  • Adeega caafimaadka xoolaha
  • Koruqdista waxsoosaarka calafka xoolaha iyo kaydintiisa   
  • Dib u xoolaynta qoysaska nugul
  • Kor uqaadista dhaqashada digaaga
  • Taageerada iyo horumarinta ka ganacsiga caanaha iyo waxsoosaarka canaha la xidhiidha
  • Taageerada iyo hormainta dhaqashada shinida 

Beeraha    

  • Helitaanka abuur tayadisu sarayso iyo qalb gacmeedka beraha
  • Maaraynta iyo xakamaynta xanuunada iyo cayayaanada beeraha
  • Tobabaro la xidhiidha beeraha
  • In la sameeyo xarun lagu kaydiyo abuurka beeraha

Degaanka

  • Tobabar maamulka khayraadka dabiiciga ah
  • Fulinta farsamooyinka lagu joojiyo/ maamulo carrada iyo biyaha 
  • Xakamaynta iyo maaraynta geedaha ku faafa degaanka 
 
 

Howlaha Waxqabad ee Laga Maalgalinayo Mashruuca Barwaaqo

 

Howlaha waxqabad

Faahfahinta Waxqabadyada  (quantities, hectares…)

Xadiga Misaaniyada

Dhismaha Dhaam Biyood Cusub

Dhismaha Dhaam biyood cusub oo leh cabirka 40m balaca, 40m dhererka iyo 4.5 m oo  joog ah. Samaynta kayd kor loodhisay, 1 qasabad biyaha laga cabo, 1 darka xoolaha, qolalka waardiyaha iyo 2 suuli. In la sameeyo nidaam qasabao biyaha qaybiya, nidaamka tamarta cadceeda oo biyaha kasoo saaraya

Tobabaro lasiiyo gudiga maamulka biyaha

$183,403

Adeega caafimaadka xoolaha

Tobabarada daryeelayaasha caafimaadka xoolaha, siinta 2 mooto iyo dawooyinka iyo adeega caafimaadka xooloaha

$12,500

Dib uxoolaynta qoysaska nugul

200 oo adhi iyo dameero ah oo loo qaybiyo 10 qoys oo nugul  

$27,500

Dhismaha Xarunta ururinta caanaha iyo hagaajinta silsiladda suuqgayta caanaha

Doorashada goobta, dhismaha xarunta ururinta caanaha oo leh nidaamka tamarta cadceeda, qaboojiye iyo agabka kala duwan ee canaha loo istcimaalo

Abuurista kooxo rasmiya oo canaha ka ganacsada

$31,500

Kor uqaadista calafka xoolaha

Soo iibinta qalabka gacmeedyada loo itcimaalo soosaarista calafka xoolaha, dhismayaal lagu kaydiyo calafka xoolaha, in lasoo iibiyo lana rikibo mashinada lagu farsameeyo calafka xoolaha

In ladhiso lana tobabaro iskaashatooyin soosaara calafka xoolaha

Tobabaro ku saabsan soosaarista, farsamaynta iyo maaraynta calafka xoolaha

$95,500

Kor uqaadista dhaqashada digaaga

Soo iibinta nooc digaaga ah oo adkaysi uleh isbadalka cimilada

Dhisida guryo digaag oo casri ah, sanduuqyada ay ku dhalaan, agabka lagu quudiyo, iyo kuwa biyaha ka cabaan,

Tobabra itus oo itaabsi ah oo ku saabsan dhaqashada digaaga

$22,000

Kor uqaadista dhaqashada shinida

In la siiyo sanaaduuqda shinida, dirayska, galoofiska, iyo agabka kale ee shinida, qiijiyayaasha, agabkan oo loo qaybin doono 20 qoys oo 10 kamida ay dumarku hogaaminayaan

Tobabaro la xidhiidha maaraynta shini dhaqashada, maaraynta sanduuqyada, iyo gurashada malabka iyo ku xidhista suuqyada malabka

$12,000

Taagerada agabka waxsoosaarka beeraha

Taageerada abuurka iyo qalab gacmeedka beeraha oo tayadoodu sarayso

Tobabaro hanaanka wanagsan ee waxberashada oo la sii 50 qoys

$30,000

Dhisida iskaashatooyin beeralay iyo meelo ay wax ku kaydsadaan

In la dhiso 2 iskaashato beeralay

In la dhiso bakhaar leh nidaamaka tamarta cadceeda iyo qaboojiye

$36,000

Fulinta nidaamyada ilaaliya carrada iyo biyaha

In la dhiso 14,400 m( udhigma 50 hiktar) oo mosaska carrada iyo biyaha ilaaliya, 98m3 oo biyaxidhenada dahgaxa ah( udhigma 20 hiktar) iyo 81 m3 moosaska dhagaxa laga sameeyo ee ilaliya carrada iyo biyaha(oo udhigma 15 hiktar)

$45,240

Tobabar maamulka Khyraadka dabiiciga ah

Tobabaro ituso itaabsi ah oo lagu bixiyo goobaha tobabarada

Diyaarinta hagayaasha tobabarada

$3,000