Mashruuca Barwaaqo: Baanka Adduunka – Dowladda Somaliland

Qorshaha Horumarinta Bulshada 2024—2028

Tuulada Gumburaha, Degmada Baligubadle,

Maroodi-Jeex Region.
 

Barta  Biyaha:  Dhaam  Biyood.

Goobta: 40km  Koonfurta Hargeysa. GPS: Latitude: 9.1797°, Longitude: 44.0208°

Tirada Bulshada : 1250 qoys oo lagu daray 500 qoys oo reer guuraa.  Tuulooyinka Hoos yimaada: 4 

Ilaha Dhaqaalaha : Beeraha iyo Xoolaha,

Maamulka (Hogaanka ): Guddiga Horumarinta Tuulada  (5 nin , 2 Haweena)

Hiigsiga Bulshada (Community Vision)

Hiigsiga Guud ee Bulshada : In la helo biyo sanadka oo dhan iyadoo la dhisayo dhaam biyood,caafimaadkii iyo baadkii xoolahana la horumariyay,deegaankuna noqday xudunta wax soosaarka,sidoo kalana la  helay daryeel caafimaad,waxbarashana caruurta looga helay  tuulada dhexdeeda iyo seerihii oo la soo celiyay iyadoo la maray talaabooyinka wax ku ool ah oo lagu ilaalinayo Kaymaha.

Hiigsiga Haweenka:  Sanadka oodhan oo ay helaan; biyo, daryeel caafimaad,waxbarasho,laydh ama koronto iyo iyadoo kor loo qaaday waxsoosaarka iyo xoolaha. Sidoo kalana la arko haweenkii awood yeeshay dhaqaale ahaana sareeya.

Hiigsiga Haweenka Dhalinyarta ah;  waxay hiigsanayaan Tuulada oo laga helo biyo nadiifa, waxbarasho tayo sare leh, daryeel caafimaad oo la isku halayn karo iyo dhamaan kaabayaasha casriga ah. Sidoo kalana iyadoo kor loo qaado warcyigelinta ku saabsan tacadiyada dumarka loo gaysto.

Hiigsiga Dhalinyarta Wiilasha ah; Dhalinyarta tuulada oo noqotay ku leh xirfado kala duwan,  deegaankoodana laga helo biyo guryaha soo gaadha,laydh, wadadii oo la hagaajiyay. Islamarkaana aanay jirin cid iskuula joojisa..

Baahiyaha Ugu Mudan ee Bulshada

Maamulka ilaha biyaha

(Management of water sources)

  • Dhisidda dhaam leh taangi sare, dararkii xoolaha
  • Xayndaab ama Dayr loo sameeyo Dhaamka
  • In la dhiso Qolka ilaalada iyo Qol alaabta la dhigo
  • Dhuumaha biyaha gudbinaya iyo kuwa laga cabayaba
  • Rakibidda Soolar biyaha soo tuura
  • In tabobar la siiyo guddiga maaraynta biyaha.

Xoolaha Iyo Beeraha

(Livestock & Agriculture)

Xoolaha (Livestock)

  • In la kordhiyo adeegyada caafimaadka xoolaha.
  • Dib u xoolaynta qoysaska nugul
  • Kor u qaadista aqoonta shaqaalaha caafimaadka  xoolaha
  • Taageerida dumarka caano-diiqda ah.
  • Taageerida Maalgashiga digaaga.

Beeraha (Agriculture)

In la helo bacaha biyaha u qabta beeraha, si loo qoto

Tabobar ku saabsan xirfadaha iyo farsamooyinka wax soo saarka cuntada.

Helitaanka iniinyo tayo sare leh iyo agab

In la helo saacadaha beerashada

Rakibidda taandhooyinka  lagu koriyo dhirta.

Deegaanka

Environment

  • Hirgelinta ilaalinta ciidda iyo biyaha
  • Xakamaynta iyo maaraynta dhirta soo duulayaasha ah
  • Tabobarka Maaraynta Khayraadka Dabiiciga ah.

 

 
 

Shaqooyinka Uu Maalgelinayo Mashruuca Barwaaqo
(Activities to be funded by the Barwaaqo Project)

 

 

                     

Shaqada (Activity)

Faahfaahinta Shaqada (Activity detail)

Miisaaniyadda loo qorsheeyay (Estimated budget)

Dhismaha  Dhaamka (Construction of Haffir dam)

  • Dhismaha iyo xayndaabka Dhaam Cabirkiisu yahay  75 m x 85 m Baladh ahaan, 2.50 m uu hoos u qodan, taangi sarana leh, meelaha biyaha laga dhaansanayayna leh, laba dararka xooluhu ka cabaan, qolka ilaaliyaha iyo qolka kaydka alaabta.
  • Rakibidda  dhuumaha biyaha oo leh tamarta cadceeda(solar) biyaha soo tuura.
  • Tabobarka guddiga maaraynta biyaha.

$254,877

Adeegyada Caafimaadka Xoolaha

  • Kor u qaadista iyo casriyaynta aqoonta shaqaalaha caafimaadka xoolaha ee deeganka hore uga jiray,daawooyinka xoolaha.
  • Laba Mooto oo ay shaqaalaha caafimaadka xooluhu isticmaalaan.

$14,000

Dib u Xoolaynta Qoysaska Danyarta ah

Usoo iibinta 300 neef oo adhi yar yar ah iyo 20 dameer qoysaska danyarta ah ama nugul.

Rarida iyo qaybinta xoolahaa la soo iibiyay.

$34,500

Dhismaha Xarumaha Ururinta Caanaha & horumarinta Qiime u yeelidooda.

Dhisidda xarunta caano ururinta oo leh tamarta cadceeda(Solar) iyo qaboojiye(Talaajad), joogaga caanaha iyo agabka kale ee caanaha.

Uqaabaynta caano-diiqda sida iskaashatada.

$32,500

Horumarinta Digaaga

(Poultry improvement)

U helida cimilo horumarsan oo digaagu u adkaysan karaan. Dhisidda guri digaag oo casri ah, oo leh sanduuqyada quudinta iyo biyo cabinta.

Tabobar wax ku ool ah oo ku saabsan maaraynta digaaga.

$44,000

Agabka Beeraha iyo tabobaro

(Provide agricultural inputs and training)

Bixinta iniin tayo sare leh, agab, Rakibidda 5 taandhooyinka dhirta lagu koriyo ah, tabobar beeraha oo fulin leh(practical), agabka maaraynta cayayaan iyo cudurrada  oo la siiyo isuggayn 50 Beeroley ah.

$30,000

Hababka Ilaalinta Ciida iyo Biyaha (Soil and water conservation practices)

Dhismaha 16,000 LM oo xidh-xidhka carada  (55 ha); 200 m3 oo Dhagax difaac u ah dhaamka   laguna daboolay (7 ha) and 80 m3  oo qaab dhagax ah kuna gaadhaysana 5 ha.

$60,400

Xakamaynta Dhirta Duulaanka ah

(Invasive species control)

Tabobar ku saabsan geedka garanwaaga, qalabka tabobarka iyo buug gacmeedyada.

$4,500

Ilaalinta Kaynta

(Forest protection)

Samaynta Ururka Seeraha.

$2,500

Tabobarka Maaraynta Khayraadka Dabiiciga ah

(NRM Training)

Diyaarinta buug gacmeedka tabobarka iyadoo tabobarka gacanta laga fulinayo goobtana lagu soo bandhigo.

$3,000

Bixinta Shooladaha Gaasta ku Shaqeeya

U qaybinta shooladaha gaasta ilaa 150 Qoys.

$5,600