Mashruuca Barwaaqo: Baanka Adduunka – Dowladda Somaliland

Qorshaha Horumarinta Bulshada 2024—2028
Tuulada Holhol, Degmada Borama.

 

Barta Biyaha: Dayactirka Dhaamka Biyaha ee Holhol 

Goobta oo ku yaalo:  4km ka xigaa galbeeldka Borama. GPS: N: 09.9159   E: 043.14202

Tirada Bulshada : 250 Qoys.  Tuulooyinka Hoos Yimaada:50 degsiimo

ILLAHA Dhaqaalaha: Xoolo dhaqato beeroley: Geel, Lo’, Adhi, Caanaha, Subaga, Beedka , Malabka, Xasiida, qamadiga, massagada, digirta , tamaandhada

Maamulka : Guddiga Horumarinta Tuulada (4 Nin, 3 Dumara); Guddi Nusdanbeed ah (Rag iyo dumarba leh).

Hiigsiga Bulshada (Community Vision)

Hiigsiga laga siman yahay: Deegaan cagaaran, nadiif ah, caafimaad leh biyahana sanadka oo dhan la helayo,wax soosaarka dalaga iyo xoolaha ee unugkastaa kordho.

Hiigsiga Haweenka: Daryeelka caafimaadka hooyada iyo dhalaanka oo hagaagay, cunto soosaarka oo la horumariyay iyo helida biyo nadiifa

Dhalinyarta (Lab iyo Dhedig): Xirfadaha dhalinyarta oo la horumariyay,and fursado shaqo oo la abuuray.

Hiigsiga Dadka Naafada ah: Helitaanka baahiyaha u gaarka ah wax u fududeeya, si firfircoona uga qayb qaataan go’aanada Bulshada.

Baahiyaha Ugu Muhiimsan Ee Bulshada (Community Priorities)

Maamulka Illaha Biyaha

  • Dib u hagaajinta dhaamka oo ay ku jirto caro reeb iyo Dayr ama xayndaab
  • Xoojinta awooda guddiga biyaha oo ay ku jirto tabobarada maaraynta maaliayadda.

Xoolaha & Beeraha

(Livestock & Agriculture)

Xoolaha (Livestock)

  • Horumarinta helida adeega caafimaadka xoolaha
  • U hawlgalka waxyaabaha qiimaha u yeelaya xoolaha,
  • Kordhinta caanaha iyo subaga laga helo lo’da iyo adhiga

Beeraha (Agriculture)

  • Xal u helida caro guurka beeraha
  • Helista iniin tayo leh, bacrimayayaal iyo qalabka gacanta ee beeraha.
  • Samaynta iskaashatada Beeraleyda.
  • Xayndaab silig(taar) ah oo loo sameeyo beeraha.
  • Kordhinta awooda lagu xakamaynayo cayayaanka iyo cudurrada.
  • Kordhinta mashiinada lagu farsameeyo beeraha.

Deegaanka

(Environment)

  • Joojinta caro guurka ay samaynayaan biyo-mareenadu
  • Ku tabobarida Bulshada ilaalinta carada iyo biyaha.
  • Soo celinta dhul daaqsimeedka.
  • Joojinta xaalufinta ka dhalatay dhuxulaysiga.