Mashruuca Barwaaqo: Baanka Adduunka – Dowladda Somaliland

Qorshaha Horumarinta Bulshada 2024—2028
Tuulada Holhol, Degmada Borama.

 

Barta Biyaha: Dayactirka Dhaamka Biyaha ee Holhol 

Goobta oo ku yaalo:  4km ka xigaa galbeeldka Borama. GPS: N: 09.9159   E: 043.14202

Tirada Bulshada : 250 Qoys.  Tuulooyinka Hoos Yimaada:50 degsiimo

ILLAHA Dhaqaalaha: Xoolo dhaqato beeroley: Geel, Lo’, Adhi, Caanaha, Subaga, Beedka , Malabka, Xasiida, qamadiga, massagada, digirta , tamaandhada

Maamulka : Guddiga Horumarinta Tuulada (4 Nin, 3 Dumara); Guddi Nusdanbeed ah (Rag iyo dumarba leh).

Hiigsiga Bulshada (Community Vision)

Hiigsiga laga siman yahay: Deegaan cagaaran, nadiif ah, caafimaad leh biyahana sanadka oo dhan la helayo,wax soosaarka dalaga iyo xoolaha ee unugkastaa kordho.

Hiigsiga Haweenka: Daryeelka caafimaadka hooyada iyo dhalaanka oo hagaagay, cunto soosaarka oo la horumariyay iyo helida biyo nadiifa

Dhalinyarta (Lab iyo Dhedig): Xirfadaha dhalinyarta oo la horumariyay,and fursado shaqo oo la abuuray.

Hiigsiga Dadka Naafada ah: Helitaanka baahiyaha u gaarka ah wax u fududeeya, si firfircoona uga qayb qaataan go’aanada Bulshada.

Baahiyaha Ugu Muhiimsan Ee Bulshada (Community Priorities)

Maamulka Illaha Biyaha

  • Dib u hagaajinta dhaamka oo ay ku jirto caro reeb iyo Dayr ama xayndaab
  • Xoojinta awooda guddiga biyaha oo ay ku jirto tabobarada maaraynta maaliayadda.

Xoolaha & Beeraha

(Livestock & Agriculture)

Xoolaha (Livestock)

  • Horumarinta helida adeega caafimaadka xoolaha
  • U hawlgalka waxyaabaha qiimaha u yeelaya xoolaha,
  • Kordhinta caanaha iyo subaga laga helo lo’da iyo adhiga

Beeraha (Agriculture)

  • Xal u helida caro guurka beeraha
  • Helista iniin tayo leh, bacrimayayaal iyo qalabka gacanta ee beeraha.
  • Samaynta iskaashatada Beeraleyda.
  • Xayndaab silig(taar) ah oo loo sameeyo beeraha.
  • Kordhinta awooda lagu xakamaynayo cayayaanka iyo cudurrada.
  • Kordhinta mashiinada lagu farsameeyo beeraha.

Deegaanka

(Environment)

  • Joojinta caro guurka ay samaynayaan biyo-mareenadu
  • Ku tabobarida Bulshada ilaalinta carada iyo biyaha.
  • Soo celinta dhul daaqsimeedka.
  • Joojinta xaalufinta ka dhalatay dhuxulaysiga.

 
 

Waxqabadyada   uu Maalgelinayo Mashruuca Barwaaqo
(Activities to be funded by the Barwaaqo Project)

 

 

 

Waxqabad (Activity)

Faahfaahinta Waxqabadka(Activity detail)

Estimated budget

Dayactirka dhaamka deegaanka

Dhoobo qaadis, deyr u samayn, dhismaha taangi dhulka yaala, qasabadaha laga dhaansado, iyo dararka xoolaha.

$90,542

Adeegyada Caafimaadka Xoolaha

Tabobarka Shaqaalaha caafimaadka xoolaha.

Xoolaha oo la talaalo lana daaweeyo.

$16,140

Tabobar ku saabsan maaraynta cudurrada iyo cayayaanka.

Tabobar ku saabsan cudurrada faafa ee xoolaha.

$2,740

Samaynta Guddi hoosaad horumarinta tuulada

Xulashada , dhexgalka iyo tabobarka xubnaha

Horumarinta guddi hoosaadka , usamaynta qaab dhismeed iyo xeer hoosaad

$2,190

Samaynta Iskaashatada Caano-diiqda.

Bixinta joogadaha caanaha/qalab iyo tabobar ku saabsan ilaalinta nadaafadda caanaha.

$9,950

Bixinta Agabka Beeraha

Bixinta iniinyo tayo leh, bacrimayayaal iyo qalab la siinayo 30 qoys, bixinta iyo rakibidda taandhooyinka dhirta lagu koriyo iyo bixinta 4 bacda biyaha xejisa.

$31,904

Samaynta Iskaashatada beeraleyda.

Bixinta tabobar ku saabsan casriyaynta cimilada beeraleyda (4 Beeroley ah oo kooxaha dugsiyada ah).

$26,180

Soo celinta dhul daaqsimeedka

Xidh Xidhka Carada  (7ha coverage), 98m3 dhagax difaac unoqda dhaamka, 108m3 oo gabyan ah iyo 27m3 oo dhagax iyo ciid ah.

$29,430

Tabobarka ilaalinta carada iyo biyaha

Tabobar bixiye,qalabka tabobarka iyo buug-gacmeedyada.

$3,000

Dhirayn

Beerista 4000 geed oo dhirta wadanka ah

$5,600

Bixinta Shooladaha gaasta ku shaqeeya

Qoysaska danyarta ah oo loo qaybiyo shoolado

$3,450

Samaynta ururka dhul daaqsimeedka

Abuurida and tabobarka urur maareeya dhul daaqsimeedka.

$4,800