Mashruuca Barwaaqo: Baanka Adduunka – Dowladda Somaliland

Qorshaha Horumainta Bulshada 2024—2028

Tuulada Karinshabeel, Degmada Farawayne ee Gobalka Maroodijex

Nidaamka Biyaha: Dhisida Dhaam Biyood Cusub .  

Barta Uu Kuyaalo: 20 km  Koonfur galbeed  Hargaysa.  GPS: N: 9.4309  E: 43.9557

Tirada Bulshada: 550 households oo degan ah iyo 250 oo reeguraa biyaha soo doonta xiliyada abaarta.  

Tuulooyinka Hoos Yimaada: 0. 

Ilaha Dhaqaalaha Muhimka Ah: Xoolo Dhaqato Beeralay ( Geel, Lo,o,  Adhi, dameero iyo dhaqashada shinida). Falashada beeraha  roobka ku baxa iyo xaagsatotada
 

Aragtida Bulshada

Bulshada Guud:   In la gaadho helitaanka biyo joogta ah sanadka oo dahan, iyadoo anay xooluhu anay uhayaamin biyo raadsasho, qoysaskunu ay gadhaan isku filnaasho cuntada, Sidoo kale ubadku helaan dugsi udhow  adeegyada cafimaad oo diyaarsan dumarka oo kor looqaday xirfadahooda iyo horumarinta kabayaasha aasaasiga ah ee bulshada

Haweenka :  In ay arkaan mustaqbalka  helitaanka adeeg  cafimaadka iyo waxbarashada oo ay si fudud ugadhi karaan. Sidoo kale helitaanka biyo joogta ah sandak oo dhan meelo udhow guryahooda iyo in gabdhaha qaangaadhka ahi ay helaan fursadaha waxbarashada iyo kor uqadista kaalmha dhaqaale. Sidoo kale kor loo qaado fayadhorka degaanla iyadoo la dhisayo suuliyaal .   

Dhaliyarada Dumar ah:  In dhamaan gabdhaha da,da yar ay helaan adeegyo caafimaad iyo waxbarsho oo korlooqaday, sidoo kale ay helaan tobabaro iyo xifrdo ay ku hanan karaan shaqooyin wanagsan iyo fursado badan oo shaqaooyinka ah  

Dhaliyarada Raga ah:  In ay arkaan dhalinyarada tuulda oo la horumariyay iyadoo la siiyay tobaro xifadaha farsmada gacanata iyo tobabarada kaleba, in aanay dhicin biyo yaraan sanadka oo dhan iyo in dhalainyaradu si xor ah ugu ciyaaraan garoomo kubada cagta ah oo casriya.  

Arimaha Hortabinta U leh Bulshada

Maamulka Illaha Biyaha

  • Dhisida dhaam biyood cusub, taangiga kayd, nidaamka tamarta cadceeda, qasabada iyo dararka xoolaha, xaydaab siliga iyo qolka waardiyaha
  • Nidaamka qasabadaha sooqadaya oo qaybinaaya biyaha
  • Tobabarada gudiga maamulka biyaha

Xoolaha iyo Beeraha

Xoolaha

  • Bixinta adeega caafimaadka xoolaha
  • Koruqdista waxsoosaarka calafka xoolaha iyo farsamayntisa   
  • Nidaamka dib uxoolaynta qoyasaska
  • Taagerada xaga suuqgaynta canaha ee dumarka caanaha ka shaqaysta
  • Kor uqaadista iyo dhisida awooda iyo xirfada daryeelayaasha caafiaamdka xoolaha
  • Kor uqaadista  dhaqashada shinida iyo digaaga

Beeraha    

  • Helitaanka mishiinada beeraha
  • Maraaynta cayayaanada iyo xanuunada beeraha
  • Helitaanka abuurka midhaha oo tayadisu aad u sarayso.
  • Dhisida iskaashatooyin beeralay

Degaanka

  • Tobobarada laxidhiidha maamulka khayraadka dabiiciga ah
  • Fulinta shaqooyin lagu ilaalinayo carrada iyo biyha
  • Xakamaynta iyo maamulka geedaha garanwagaa iyo hiliglaha 
  • Dhirayn degaanka
  • In shaqo loo abuuro qoysaska ku tiirsan dhuxusha