Mashruuca Barwaaqo: Baanka Adduunka – Dowladda Somaliland
Qorshaha Horumarinta Bulshada 2024—2028
Tuulada Labi-Sagaale, Degmada Sabo Wanaag
Ee Gobolka Maroodi-Jeex.
Xarun Biyoodka: Dayactirka Dhaamka.
Goobta : 138km Koonfurta Hargeisa, dhanka xadka itoobiya GPS: N: 8.80255, E:44,63168
Tirada Bulshada: 1500 qoys oo lagu daray reer guuraa iyo xoolo dhaqato socoto ah Tuulooyinka Hoos Yimaada: 9
Illaha Dhaqaalaha : Xoolaha Nool iyo woxoogaa Beer Roobeedyo ah.
|
Hiigsiga Bulshada (Community Vision) |
|
|
Filashada Guud Ee Bulshada: In ay noqdaan bulsho ku sugan barwaaqo waarta, taas oo hesha biyo nadiifa sanadka oo dhan, daryeel caafimaad oo dhamaystiran, habab waxbarasho oo hagaagsan, ilo dekhli oo kala duwan, iyadoo ay ka qayb qaadanayaan dadka nugul ee deegaanka ku nool. Sidoo kalana la soo bandhigo mushkiladaha ilaalinta deegaanka haysta korna loo qaado dhaqashada xoolaha iyo waxbeerista. Haweenka; inay helaan daryeel caafimaad, umulisooyin si fiican u tabobaran, biyaha oo guryahooda loogu soo xidhiidhiyo, in loo horumariyo fayodhawrka nadaafadda, inay biyo u helaan beeraha iyo xoolaha iyo inay ay haweenka tuuladda ee xirfadda iyo tabobarka leh jaaniskooda shaqo helista la kordhiyo. Haweenka da’da Yar: inay helaan dugsiyo sare oo qalabaysan, kobcinta xirfadaha, xoojinta dhaqaalaha iyo daryeelka caafimaadka sida umulisooyin si cilmiyeysan u tabobaran. Dhalinyarta (Ragga); horumarinta dhalinyarada iyadoo loo marayo dhisida xirfaddaha, helitaanka waxyaabaha ciyaaraha fududeeya, si kor loogu qaado hab nololeed caafimaad leh, iyo horumarinta bulshada. Dadka laga tirada badan yahay; helitaanka deeqaha ganacsiga iyo fursadaha horumarinta xirfadaha si kor loogu qaado hab-nololeedkooda oo ay gacan ka geystaan horumarinta bulshada. Dadka Naafada ah: inay helaan daryeel caafimaad oo wanaagsan iyo taageero gaar ah oo ku habboon baahiyahooda, lana sameeyo wacyigelin bulshada lagu fahansiinayo in laga qayb galinta arimaha bulshada ,iyadoo la siinayo taageero ku filan. |
|
|
Baahiyaha Ugu Mudan (Community Priorities) |
|
|
Maamulka ilaha biyaha (Management of water sources) |
|
|
Xoolaha iyo Beeraha (Livestock & Agriculture) |
Xoolaha (Livestock)
Beeraha (Agriculture)
|
|
Deegaanka (Environment) |
|



