Mashruuca Barwaaqo: Baanka Adduunka – Dowladda Somaliland
Qorshaha Horumarinta Bulshada 2024—2028
Tuulada Labi-Sagaale, Degmada Sabo Wanaag
Ee Gobolka Maroodi-Jeex.
Xarun Biyoodka: Dayactirka Dhaamka.
Goobta : 138km Koonfurta Hargeisa, dhanka xadka itoobiya GPS: N: 8.80255, E:44,63168
Tirada Bulshada: 1500 qoys oo lagu daray reer guuraa iyo xoolo dhaqato socoto ah Tuulooyinka Hoos Yimaada: 9
Illaha Dhaqaalaha : Xoolaha Nool iyo woxoogaa Beer Roobeedyo ah.
Hiigsiga Bulshada (Community Vision) |
|
Filashada Guud Ee Bulshada: In ay noqdaan bulsho ku sugan barwaaqo waarta, taas oo hesha biyo nadiifa sanadka oo dhan, daryeel caafimaad oo dhamaystiran, habab waxbarasho oo hagaagsan, ilo dekhli oo kala duwan, iyadoo ay ka qayb qaadanayaan dadka nugul ee deegaanka ku nool. Sidoo kalana la soo bandhigo mushkiladaha ilaalinta deegaanka haysta korna loo qaado dhaqashada xoolaha iyo waxbeerista. Haweenka; inay helaan daryeel caafimaad, umulisooyin si fiican u tabobaran, biyaha oo guryahooda loogu soo xidhiidhiyo, in loo horumariyo fayodhawrka nadaafadda, inay biyo u helaan beeraha iyo xoolaha iyo inay ay haweenka tuuladda ee xirfadda iyo tabobarka leh jaaniskooda shaqo helista la kordhiyo. Haweenka da’da Yar: inay helaan dugsiyo sare oo qalabaysan, kobcinta xirfadaha, xoojinta dhaqaalaha iyo daryeelka caafimaadka sida umulisooyin si cilmiyeysan u tabobaran. Dhalinyarta (Ragga); horumarinta dhalinyarada iyadoo loo marayo dhisida xirfaddaha, helitaanka waxyaabaha ciyaaraha fududeeya, si kor loogu qaado hab nololeed caafimaad leh, iyo horumarinta bulshada. Dadka laga tirada badan yahay; helitaanka deeqaha ganacsiga iyo fursadaha horumarinta xirfadaha si kor loogu qaado hab-nololeedkooda oo ay gacan ka geystaan horumarinta bulshada. Dadka Naafada ah: inay helaan daryeel caafimaad oo wanaagsan iyo taageero gaar ah oo ku habboon baahiyahooda, lana sameeyo wacyigelin bulshada lagu fahansiinayo in laga qayb galinta arimaha bulshada ,iyadoo la siinayo taageero ku filan. |
|
Baahiyaha Ugu Mudan (Community Priorities) |
|
Maamulka ilaha biyaha (Management of water sources) |
|
Xoolaha iyo Beeraha (Livestock & Agriculture) |
Xoolaha (Livestock)
Beeraha (Agriculture)
|
Deegaanka (Environment) |
|
|
Hawlqabadka (Activity) |
Fhfaahinta hawlqabadka (Activity detail) |
Miiisaaniyadda la odorosay (Estimated budget) |
Dayactirka Dhaamka |
Dayactirka Dhaamka jira, bedelida taangiga sare, rakibida nidaamka cadceeda ku shaqeeya , dayactirka dararka xoolaha iyo hagaajinta irridaha |
$69,995 |
Adeegyada Caafimaadka Xoolaha |
Qalabaynta iyo Tabobarida shaqaalaha caafimaadka xoolaha. Talaalka iyo daaweynta Xoolaha |
$16,140 |
Tabobar ku saabsan maaraynta cayayaanka iyo cudurada. |
Tabobaro ku saabsan cuduradda faafa |
$2,740 |
In la sameeyo guddi hoosaadka horumarinta Tuulada |
Xulashada , dhexgalka iyo tabobarka xubnaha Horumarinta guddi hoosaadka , usamaynta qaab dhismeed iyo xeer hoosaad |
$2,190 |
Samaynta iskaashatada caano-diiqda |
Soo iibinta iyo qaybinta qalabka caanaha Tabobarka ku saabsan ilaalinta nadaafadda caanaha |
$8,427 |
Qaybinta Agabka Beeraha |
U qaybinta iniinto tayo leh,bacrimayayaal iyo agab sodonka qoys ee ugu nugul Rakibida aqalka dhirta lagu koriyo Bixinta 4 bacda biyaha qabata ah |
$15,500 |
Samaynta Iskaashatooyinka beeraleyda |
Bixinta tabobaro ku saabsan cimilada,waxsosarka beeraha, kuna jiraan maaraynta cayayaanka iyo cudurada , waraabka dhibicda, |
$10,950 |
Soocelinta Dhulka Daaqsinta ah |
Samaynta 12160 LM xidh-xidhka ciida (1351 ha) iyo weecin biyaha si ay u daboosho 160 ha |
$30,000 |
Tabobarka ilaalinta ciida iyo biyaha |
Qalabka tabobarka iyo buug gacmeedyada Tabobare iyo fududeeye Tabobar ku saabsan dib u dhiraynta iyo caro xidhka |
$3,000 |
Dhiraynta |
Beerista 4000 geed oo wadani ah (dhirta la yaqan) |
$5,600 |
Bixinta Shooladaha Shidaalka ku Shaqeeya |
Qoysaska danyarta oo loo qaybiyo shooladu |
$3,450 |
Samaynta Ururka Seeraha |
Abuurida urur maamula seeraha |
$4,800 |