Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Daah-Furay Qorshaha Horumarinta Qaranka Ee Saddexaad (NDP III)

Hargeysa-14-03-2023-()-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa si rasmi ah u daah-furay qorshaha horumarinta Qaranka ee Saddexaad, kaas oo socon doona shanta sanno ee soo socota 2023-2027.

Qorshaha Qaran ee maanta la daah-furay oo ay soo abaabushay Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka JSL , waxaa lagu daah-furay xarunta qasriga madaxtooyada, Qorshaha Horumarinta Qaranka ee 3aad waa mid diiradda saaraya lix tiir oo kala ah Horumarinta dhaqaalaha, Maamul-wanaagga, Isbeddelka cimilada, Kaabayaasha dhaqaalaha, Horumarinta bulshada iyo Garsoorka.

Ugu horrayn, agaasimaha guud ee wasaaradda qorshaynta iyo horumarinta Qaranka, Mudane Axmedyasin Muhumed Adde , ayaa si hufan u sharraxay muhiimadda uu qorshahani u leeyahay Qaranka, sida uu u hilaadinayo jidka ay Somaliland doonayso inay marto muddada shanta sanno ah ee soo socota. Sidoo kale waxa isna halkaa ka hadlay madaxa Guddidii soo diyaarisay Qorshaha Horumarinta Qarankan, Khadar Axmed Cabdi.

Wasiirka wasaaradda Deegaanka iyo isbeddelka cimilada, marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare, ayaa iyaduna dul istaagtay sida uu qorshahani u yahay mid loo talo badsaday, iyada oo xustay in qorshe la’aani tahay habow iyo qardajeex, waxana ay tidhi,“qorshahan wasaaradiihii ku shaqada lahaa ayaa baahidoodii oo ku salaysan shantaa sano kusoo darsaday, wasaaradda qorshayntuna waxay xoogga saareen inay u dhigaan sida ugu quruxda badan ee loo iibin karo, qorshe la’aani waa doonni bad maraysa oo aan jiheeye lahayn, waxana waajib inagu ah inaynu sidiisa u raacno oo aynu dhammaanteenba ku shaqayno.”

Wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyadda, Dr. Sacad Cali Shire, ayaa sharraxay sida uu qorshahani ku taabbogeli karo iyo qodobbada udub-dhexaadka u ah hirgelintiisa, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“Waxaynu u baahanahay inaynu isku tashanno oo samaysanno sanduuq horumarin oo miisaaniyadda kamid ah oo lagu soo ururiyo mashaariicda filiqsan ee wasaaradaha, inaynu ka faa’iidaysano hantida qaybta gaarka ah iyo shirkadaha oo qof kastaa saami ku yeelan karo iyo inay dawladdu iibiso dayn xalaal ah oo lagu isticmaali karo meelaha dakhligu kasoo baxo oo aynu dadka ku dhiirrigelino badinta dhigaalka oo immika aad u hooseeya.”

Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Dr. Ahmed Buhane ayaa dhankiisa sheegay inay ka wasaarad ahaan mareen dhammaanba marxaladihii ay waajibka ahayd inuu qorshahani soo maro, isagoo hoosta ka xarriiqay in muhiimad gaar ah la siiyo isku filnaashaha, waxana uu yidhi,“waxannu dabbaqnay dhammaanba xeerarka dalka u degsan markii aannu qorshahan diyaarinaynay oo marinay dhammaanba hay’adaha ku shaqada leh, hay’adaha kale aduunka ee arrintan nagala shaqeeyana waanu la wadaagnay oo way noo ansixiyeen, cidda isku filnaata ee baahidooda daboosha uun baa guulaysan karta oo go’aan yeelan karta.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ugu horrayn wasaaradda qorshaynta ku bogaadiyey hirgelinta qorshahan qaranka muhiimka u ah ee ay muddada soo wadeen, isaga oo ku sifeeyey hilin qaranku ku gaadhayo hiigsiga dheer ee uu leeyahay.

Madaxweynuhu waxa uu dhammaanba hay’adaha kala duwan ee qaranka ugu baaqay inay waqti siiyaan hirgelinta qorshahan, iskuna tashadaan oo ka maarmaan ku tiirsanaanta cid kale,“Qorshahani waa mid aynu horumar dhaqaale oo dhinac kasta ah ku gaadhayno, sidaas darted waxan hay’adaha kala duwan ee qaranka ka codsanayaa inay masuuliyadda uu sarraysaa xil weyn iska saaraan hirgelintiisa, maaddaama oo uu danteennii iyo mustaqbalkeenii yahay, meel ku gaadhi mayno caawimo iyo yabooh la ina siiyee waxaynu u baahannahay inaynu maskaxdeenna korino, horumarkeennana aynu hareeraha ka wada galno,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.