Heshiis Iskaashi oo Dhexmaray Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Somaliland iyo Xafiiska Tirakoobka Qaranka ee UK (ONS).

Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Somaliland iyo Xafiiska Xogta Qaranka ee Boqortooyada Ingiriiska (UK Office for National Statistics, ONS) ayaa maanta si rasmi ah u kala saxeexday heshiis is-afgarad (Memorandum of Understanding - MOU). Heshiiskan oo muhiim ah waxa uu saldhig u noqonayaa horumarinta awoodda tirakoobka iyo xog ururinta dalka.


Heshiiskan ayaa xooga saaraya sidii labada dhinac uga wada shaqayn lahaayeen xoojinta iyo horumarinta wax-soo-saarka xogaha tirakoobka, tayaynta ururinta xogta, habeynta, faafinta, iyo cilmi-baarista, si kor loogu qaado tayada xogta tirakoobka ee Somaliland. Labada dhinac waxa ay sidoo kale isla qaateen in la horumariyo kartida shaqaalaha Wasaaradda iyada oo loo marayo tababaro iyo barnaamijyo lagu kobcinayo aqoonta shaqaalaha Waaxda Tirakoobka ee WQHQ.

Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Somaliland waxay heshiiskan u aragtaa fursad muhiim ah oo lagu dhisayo nidaam xogeed casri ah oo la jaan qaadaya hababka iyo isbeddelada caalamiga ah ee ka jira aduunka.

Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Somaliland waxay uga mahadcelinaysaa Xafiiska Xogta Qaranka ee UK taageerada uu siiyay Somaliland, iyadoo rajaynaysa in iskaashigan uu noqdo mid laga gaadho ujeedada laga leeyahay.