Mashruuca Barwaaqo: Baanka Adduunka – Dowladda Somaliland
Qorshaha Horumainta Bulshada 2024—2028
Tuulada Oog, Degmada Caynaba, Gobolka Sool.
Goobta Biyaha: Dib u dhiska Dhaamka
Meesha uu ku yaalo: 135km Koonfur bari ka xigaa Burco, 25km Bari buu ka xigaa Caynaba. GPS: N:08.93155, E:046.61521
Tirada Bulshada : 3,000 Qoys iyo 960 qoys oo barokacayaal ah iyo reer guuraaga jiilaalkii. Tuulooyinka hoos yimaada: 3.
Illaha Dhaqaalahe ee Bulshada : Beero aan badnayn, xoolaha oo kala ah; geela, adhiga, dameeraha iyo wax soosaarka ay ka midka yihiin; yaanyada, basasha, basbaaska, xabxabka, dabocasaha iyo kaabajka. Hilibka muqmudda ayay diyaariyaan kana ganacsadaan dhexdooda. Oog waxay martigelisaa suuq iyo saldhig ciidan shaqada caadiga ah waxa ka mida ku biirista ciidanka.
Hab Maamulkooda: Guddiga Horumarinta Tuulada (7 Nin, 8 Haweena); Guddi nusdambeed ah baa jirta (Rag iyo dumarba ka kooban).
|
Hiigsiga Bulshada (Community Vision) |
|
|
Hiigsiga Guud Ee Bulshada: Inay noqoto meel sanadka oo dhan biyo laga helo guri walba lagu xidhiidho biyaha, xoolaha iyo wax soosaarka beeraha oo la kordhiyay,nadaafadda biyaha iyo deegaanka oo la hagaajiyay, korna loo qaaday adeegyada caafimaadka iyo waxbarashada. Hiigsiga Haweenka: Daryeelka caafimaadka oo la hagaajiyay,si fiicana loo tabobaro haween caafimaadka ka shaqeeya, kor u qaadista wacyiga ka hortaga guurka degdega ah, qasabadaha biyahana oo guryaha loo soo dhaweeyo, nadaafadda iyo fayodhawrkana kor loo qaaday iyo xoojinta dhaqaalaha haweenka. Hiigsiga Hablaha: Dhalinyarta hablaha ah oo yeeshay aqoon tayo sare leh, caafimaadka oo la horumariyay, lana joojiyay guurka degdega ah ama qasabka ah, islamarkaan hablaha loo sameeyay shaqo abuur. Hiigsiga Dhalinyarta Wiilasha ah: Taageero dheerada oo ay heleen dhalinyartu, sida tabobaro ku saabsan beeraha, xoolaha iyo inay helaan waxyaabaha ciyaaraha fududeeya. Hiigsiga Barokacayaasha: Hab nololeedkoodii oo la celiyo, dibna ay u helaan kaabayaasha dhaqaalaha; oo ku jiraan: waxbarasho, caafimaad iyo laydh. Sidoo kalana loo sameeyo dib u xoolayn. Hiigsiga Dadka Haybsooco: Inay helaan taageero xaga beeraha iyo deeqaha ganacsiga ah, loona kordhiyo fursadaha bulshada dhexdeeda iyo ka qayb qaadasho ka badan inta imika oo laga awood siiyo deegaanka dhexdiisa. |
|
|
Waxqabadka Ugu Muhiimsan ee Bulshadu Rabto (Community Priorities) |
|
|
Maamulka Goobaha Biyaha |
|
|
Xoolaha iyo Beeraha (Livestock & Agriculture) |
Xoolaha(Livestock)
Beeraha (Agriculture)
|
|
Environment |
|



